DEGDEG: Ra'iisal Wasaare C/Weli Sheekh oo qorsheynaya inuu saacadaha soo socda xilka iska casilo

0
Saturday November 08, 2014 - 09:44:24 in Wararka by
  • Visits: 1373
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DEGDEG: Ra'iisal Wasaare C/Weli Sheekh oo qorsheynaya inuu saacadaha soo socda xilka iska casilo

    Xafiiska Ra'iisal Wasaare C/Weli Sheekh uu ku leeyahay xarunta Villa Somalia waxaa ka socda dhaqdhaqaaqyo aan horay loo arag, taasi oo la sheegay inay la xiriirto arrimaha siyaasadeed ee ka soo food saaray Madaxweyne Xasan Sheekh, wuxuuna Ra

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xafiiska Ra'iisal Wasaare C/Weli Sheekh uu ku leeyahay xarunta Villa Somalia waxaa ka socda dhaqdhaqaaqyo aan horay loo arag, taasi oo la sheegay inay la xiriirto arrimaha siyaasadeed ee ka soo food saaray Madaxweyne Xasan Sheekh, wuxuuna Ra'iisal Wasaaraha qaadanayaa go'aano cusub oo aanu weligii ku fekerin.
Ilo wareedyada lagu kalsoon yahay ee naga soo gaaraya xafiiska Ra'iisal Wasaaraha ayaa sheegaya in saacadaha soo socda uu ku dhawaaqo inuu xilka iska casilo, isagoona diyaariyay istiqaalad uu xilka isaga casilayo isla markaana u gudbinaya Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Wararku waxay intaasi raacinayaan in Ra'iisal Wasaare C/Weli Sheekh ka niyad jabay inuu xafiiska sii fadhiyo, bacdamaa ay hareeyeen cadaadisyo uga imaanaya Madaxweyne Xasan Sheekh iyo kooxdiisa oo iyagu faragelin ba'an ku haya gudashada waajibaadka loogu magacaabay xilka Ra'iisal Wasaarenimo.

Ilo wareedyada waxay kaloo sheegayaan in weriyeyaal fara badan ay ku sii qulqulayaan xafiiska Ra'iisal Wasaaraha, iyadoona la filayo in saacadaha soo socda uu ku dhawaaqo is casilaadiisa, iyadoona tallaabadani ku soo beegmeyso xilli Golaha Baarlamaanka maalinta berri ah looga doodayo mooshinka lagu ridayo Ra'iisal Wasaaraha.
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip