Kadib magacaabistii guddoomiyaha cusub ee maamulka gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Xasan Maxamed Xuseen Muungaab, ayaa waxaa maanta wafdi uu hogaamino oo uu ka mid ahaa guddoomiyihii hore mudane Tarsan ay ku tageen qeybo kamida dagmooyinka Gobolka Banaadir.
Dagmooyinka ay maanta kormeereen xubnaha wafdiga guddoomiye Muungaab ayaa waxaa kamid ahaa xarumaha dagmooyinka CabdulCasiis, Warta Nabadda, xarunta Dabdamiska, xarunta dad dhigista, xarunta dagmada Waaberi, isagoona sidoo kale soo indha indheeyay xarunta gurmadka dagdaga ee gobolka Banaadir halkaasoo ay ku xareysan yihiin Dabdamisyo iyo Aambaasyo loogu gurmado markii dab ka kaco qeybo kamida Muqdisho.
Mudane Xasan Maxamed Xuseen Muungaab Guddoomiyaha gobollka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho ayaa u mahadceliyay boqolaal dadweyne ah kuwaaso ku soo dhaweeyay qeybaha uu maanta kormeeray, waxa uuna maamulkii kahoreeyay ku amaanay waxqabadka muuqda ee gobolka Banaadir.
Waxaana dhawaan la filayaa xilwareejin lagu marti qaaday qeybaha dowladda iyo shacabka iney ka dhacdo xaruntii KMG aheyd ee gobolka Banaadir halkaasoo uu si rasmi ah xilka gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho ugu wareegi doono mudane Xasan Maxamed Xuseen Muungaab, waxaana la filayaa in Gudoomiyihii hore ee gobollka ahaana duqii Muqdisho mudane Maxamuud Axmed Nuur Tarsan uu ku wareejin doono dhamaan agabka iyo documents ka maamulka gobolka Banaadir.
Iyadoona gaba gabadii kormerkaas ay wafdiga ku tageen xarunta laga qaato kaararka aqoonsiga Soomaalinimada.
Waa markii ugu horeysay ee kormeer uu kutago qeybo kamida xarumaha dagmooyinka gudoomiyaha cusub ee maamulka gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho mudane Xasan Maxamed Xuseen Muungaab.
waxaana gunaanudkii kormeerkas saxaafada la hadlay Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir mudane Maxamed Yuusuf Cismaan, oo carabka ku adkeeyay in Guddoomiyaha gobolka ee cusub uu si hoose uga warqabi doono dhamaan dagmooyinka gobolka oo dhan, islamarkaana uu hoos u fiirin doono xaaladaha Amniga caasimadda.
Gudoomiyaha ayaa sheegay iney jiri doonan kulamo wada tashi ah oo qeybaha shacabka Muqdisho uu la qaadan doono mudane Xasan Maxamed Xuseen Muungaab, Guddoomiyaha cusub ee maamulka Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho.
Xafiiska Warfaafinta maamulka Gobolka Banaadir
Mogadishu-Somalia
Gudoomiyihi hore ee gobolka Tarsan oo Qaab laab Furnaan ah usoo wareejiyay Gudoomiyaha Cusub (Sawiro)
Kadib magacaabistii guddoomiyaha cusub ee maamulka gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Xasan Maxamed Xuseen Muungaab, ayaa waxaa maanta wafdi uu hogaamino oo uu ka mid ahaa guddoomiyihii hore mudane Tarsan ay ku tageen qeybo kamida d