Gudoomiyihii hore ee Gobolka Banaandir Maxamuud Axmed Nuur "Tarsan" ayaa waxa uu wasiirka Arimaha Gudaha iyo Amiga Qaranka C.Kariin Xuseen Guuleed ku eedeeyay in uu lunsaday gaadiid Ampalaas ah Nuuca aan xabadaha karin oo loogu deeqay Maamulka Gobolka Banaadir.
Wasiirka ayaa waxa uu maanta jawaab kulul uu ka bixiyay eedeyntaasi oo usoo jeediyay Gudoomiyihii hore ee Gobolka Banaandir asagoona tilmaamay in Tarsan uu la mid yahay Al-shabaab oo kale asagoona sheegay in ay jiraan ilaa 7-Gaari oo Nuuca aan xabadaha karin ay kala wareegeen
maamulka Gobolka Banaadir cabsi la xariirta in Baabuurtaasi ay gacanta u galaan kooxo uu ku tilmaamay
Cadawga Soomaaliya.
C.Kariim Xuseen Guuleyd ayaa yiri: ”Golaha Wasiirada ayaa go’aan ka gaaray Baabuurta aan xabadaha karin een
Maamulka kala wareegnay , waxaana laga cabsaday in gacanta maamulka ka
baxo oo gacanta u galo kooxaha nabad diidka ah kadibna kusoo weeraraan
xarumaha Dowlada , Askari ilaalada ah gaariga gacan kuma isaajin karo
xabadna ma karto marka cabsidaa ayaa keentay in gaadiidkaasi kala
wareegno gobolka si aan loogu weerarin xarumaha Dowlada hadii ay gacanta
ka baxaan ”.
Dhanka kale hadalka ka soo yeeray Wasiir Guuled ayaa
muuqda mid uu isaga riixayo hadalkii gudoomiyihii hore ee gobolka
Banaadir, waxaan Wasiir Guuleed la sheegay in uu gatay gaadiidkaas
isagoona ka gatay Ganacsato iyo xubno ka tirsanaa dowladihii hore ee
Soomaaliya.
Sikastaba Arrinta ugu daran oo lalayaabay ayaa ah
in Wasiir guuleed uu sheego in uu Maamulka Gobolka Banaadir uga cabsaday
in ay Shabaab gaadiid gacanta u geliyaan.
Tarsan oo Wasiirka Arimaha Gudaha eedeyn u jeediyay iyo Jawaab kulul "Maxee tahay? Muxuuse ku Jawaabay"
Gudoomiyihii hore ee Gobolka Banaandir Maxamuud Axmed Nuur "Tarsan" ayaa waxa uu wasiirka Arimaha Gudaha iyo Amiga Qaranka C.Kariin Xuseen Guuleed ku eedeeyay in uu lunsaday gaadiid Ampalaas ah Nuuca aan xabadaha karin oo loogu deeqay Maamu