Kulanki Taariikhda galay ee golaha Wasiirada (Daawo Sawiro)

0
Thursday January 23, 2014 - 19:49:37 in Wararka by Web Admin
  • Visits: 1643
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Kulanki Taariikhda galay ee golaha Wasiirada (Daawo Sawiro)

    Muqdisho, January 23,2014----Ra'iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa maanta shir guddoomiyay kulankii ugu horeeyey ee ay yeeshaan xubnaha golaha Wasiirada ee shalay la dhaariyay, waxaana kulankan di

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muqdisho, January 23,2014----Ra'iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa maanta shir guddoomiyay kulankii ugu horeeyey ee ay yeeshaan xubnaha golaha Wasiirada ee shalay la dhaariyay, waxaana kulankan diirada lagu saaray qaabka ugu haboon ee ay golaha Wasiiradu ula wareegi lahaayeen Xafiisyada Wasaaraddahooda. Kulankan ayaa markii uu soo idlaaday waxaa warbaahinta la hadlay R’iisul Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed, isaga oo xusay in kulankan uu yahay kulankii ugu horeeyey ee uu la yeesho xubnaha Golaha Wasiirada ee cusub, isla markaana ay kala warqaateen.

"Waxaa Alle mahadii ah inaan maanta yeelanay kulankii ugu horeeyey kadib markii shalay la dhaariyay, waxaana ka wadahadalnay arrimo dhowr ah oo ay ugu horeysay sidii ay Wasiiradu ula wareegi lahaayeen xafiisyada Wasaaradahooda” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Cabdiweli oo xusay in muddo 5 cisho ah ay qaadan doonto kala wareegida xafiisyada iyo xilalka.

Ra’iisul Wasaare Cabdiweli ayaa sidoo kale xusay in golaha Wasiiradu ay isla soo qaadeen xaaladda amniga ee dalka, ayna gaareen go’aano lagu horumarinayo sugida amniga iyada oo laga ambaqaadayo baahida deg deg ah ee jirta.


Fiiro Gaar Ah, Hadii aad Mobile Kadaawaneyso Sawirada
Riix Halkaan


Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip