Ciyaaryahan Soomaaliyeed Oo Ka Qeybgalaya Isreeb-reebka Judowga Aduunka (Sawiro)

0
Thursday February 06, 2014 - 09:23:18 in Wararka by Web Admin
  • Visits: 1672
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciyaaryahan Soomaaliyeed Oo Ka Qeybgalaya Isreeb-reebka Judowga Aduunka (Sawiro)

    Ciyaaryahanka 20- sano jirka ah ee Maxamed Cabdull-xakh Maxamed ayaa ka qeybgalaya isreeb-reebka taratanka Judo-ga (legdanka)aduunka ee kama danbeystiisa lagu qaban doono dalka isu-taga Imaaraadka Carabta UAE sanadkan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciyaaryahanka 20- sano jirka ah ee Maxamed Cabdull-xakh Maxamed ayaa ka qeybgalaya isreeb-reebka taratanka Judo-ga (legdanka)aduunka ee kama danbeystiisa lagu qaban doono dalka isu-taga Imaaraadka Carabta UAE sanadkan. Maxamed Cabdi xakh ayaa waxaa dhalay sida magaciisa ka muuqata Tababare Cabdi Xakh oo lagu xusuusto xulkii gobolka J/Hoose ee kubadda cagta, kaasi oo iminka leyliya koox Ajnabi ah oo ka dhisan magaalada Perth ee dalka Austrelia.

Maxamed ayaa waxaa uu metelayaa xulka dalka Austrelia oo dhowaan liiska ku darsatey markii la arkey dadaalkiisa ciyaarta Judow-ga oo uu ka qeybgalay tartamo badan oo gudaha ka dhacay, isagoo ka guuleystey ciyaaryahano waaweyn oo looga dambeeyey ciyaartaasi gaar ahaan Biladdii dahabka ee (Australian Brazilian jiu jitsu state championship in the weight division of 85 kg).

Maxamed Cabdul-Xakh iyo ciyaaryahano kale ayaa waxaa ay gaareen dalka Japan,halkaasi oo ay kaga qeybgali doonaan Isreeb-reebka tartanka Judo-ga aduunka oo final-kiisa leysugu tegi doono dalka Imaaradka carabta magaaladiisa Dubai .

Bahweynta Sportiga Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan waxay u rajeynayaan xidigaasi Soomaliyeed Guul insha allaah.


Daawo Sawirada By Mobile

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip