R/Wasaare Xigeenka Dowlada oo booqday Mowlaca Sh: Muxyadiin Celli (Dawo Video)

0
Thursday February 06, 2014 - 12:11:02 in Wararka by Web Admin
  • Visits: 1892
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    R/Wasaare Xigeenka Dowlada oo booqday Mowlaca Sh: Muxyadiin Celli (Dawo Video)

    Wafdi culus uu horkacayo R/Wasaare Xigaanka ahna wasiirka Owqaafta iyo Arimaha diinta ee xukuumada Soomaaliya mudane Ridwaan Xirsi Maxamed iyo kuxigeenkiisa Yuusuf Xeele Jimcaale ayaa booqasho gaaban kutagay xarun diimeedka Sheekha caanka ah ee Sheek

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wafdi culus uu horkacayo R/Wasaare Xigaanka ahna wasiirka Owqaafta iyo Arimaha diinta ee xukuumada Soomaaliya mudane Ridwaan Xirsi Maxamed iyo kuxigeenkiisa Yuusuf Xeele Jimcaale ayaa booqasho gaaban kutagay xarun diimeedka Sheekha caanka ah ee Sheekh Muxyadiin Celli ee degmada Kaaraan magaalada Muqdisho.
Wafdiga dowlada oo ahaa kii ugu cuslaa ee gaara mowlacaan tan iyo marki ee dowlada Soomaaliya kabaxday kumeel gaarka ayaa waxa halkaasi kuqaabilay gudoomiyaha guud ee Ahlusunah Waljmaaac Dr, Sheekh Shariif Sheekh Muxyadiin Celli .

Kulankaani oo ahaa mid taariikhi ah ayaa waxa uu Wasiirka Owqaafta iyo arimaha diinta ee xukuumada Soomaaliya Mudane Ridwaan oo lahadlay warbaahinta ku macneeyay in xukuumada Cusub ee dooneyso in culimadaani oo ah dadka sumcada iyo sharafta kudhax leh bulshada ee siweyn uga qeyb qaatana dhiiro galinta shacabka dowladana ee xiriir suke layeelato Culuma'udiinka Soomaaliyeed.

Mudane Ridwaan ayaa sidoo kale xusay in sheekha uu yahay da' isla markaana umada Soomalaiyeed ee la gudboontahay in wax badan laga faa'iido sidoo kalena fariintiisa lamaqlo.

Dhanka kale gudoomiyaha Ahlusunah, Dr Sheekh Shariif Sheekh Muxyadiin ayaa dhankiisa waxa uu soo dhaweeyay booqashada wafdiga heerka wasiir ah isagoo tilmaamay iney tahay booqasho taariikhi ah waxa uuna soo dhaweeyay sheekha wacyi galinta Bulshada oo shiikhu sheegay in horeba astaan ugu aheed culuma'udiinka Ahlusunah Waljamaac hadana sii laba laabi doonaan.

Wasiirka cusub ee Owqaafta iyo arimaha diinta xukuumada Soomaaliya ayaa waxa uu wadaa dadaalo lixaad leh kuwaasi oo lagu dar dar galinayo howlaha wasaarada oo ee qeyb katahay kulamada tooska ah uu wasiirka la yeelanayo Mashaa'iqda sharafka iyo magaca kudhax leh bulshada Soomaliyeed

halka Hoose kadaawo







Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip