Madaxtooyada Soomaaliya oo Tacsi usameesay Ra'isul Wasaarihi hore (Daawo Sawiro)

0
Friday February 07, 2014 - 03:45:11 in Wararka by Web Admin
  • Visits: 1582
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxtooyada Soomaaliya oo Tacsi usameesay Ra'isul Wasaarihi hore (Daawo Sawiro)

    Muqdisho, 07 Febraayo 2014 - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa ku tilmaamay Ra'iisul Wasaarihii hore ee Cabdirisaaq Xaaji Xuseen shaqsi ku dayasho mudan oo waqtigiisa inta badan ku bixiyey midnima

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muqdisho, 07 Febraayo 2014 - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa ku tilmaamay Ra'iisul Wasaarihii hore ee Cabdirisaaq Xaaji Xuseen shaqsi ku dayasho mudan oo waqtigiisa inta badan ku bixiyey midnimada Soomaaliya iyo sidii loo heli lahaa wadajirka ummadda Soomaaliyeed. Xaflad casho sharaf ah oo Madaxtooyada lagu qabtay xalay ayaa waxaa ka soo qeybgalay Madaxweynaha, Guddoomiyaha Baarlamaanka, Ra'iisul
Wasaaraha Xukuumadda, Ra'iisul Wasaare ku xigeen, Madaxweynaha Puntland, Hoggaamiyaha Jubba, Madaxweynihii hore Cali Mahdi Maxamed,
Ra'iisul Wasaarihii hore Cali Maxamed Geedi, Madaxweynihii hore ee Puntland, wasiiro, wafdi ka socday Puntland iyo Jubba iyo Madax
dhaqameed Soomaaliyeed ayaa loogu duceeyey Ra'iisul Wasaarihii hore ee Cabdirisaaq Xaaji Xuseen.

Madaxweynaha ayaa yiri " Innaa Lillaahi Wa innaa Illeyhu Raajicuun, geeridu waa xaq, Marxuum Cabdirisaaq Xaaji Xuseen waxaan u baryayaa in
EEBBE uu janadii fardowsa ka waraafiyo, eheladii, asxaabtii iyo Soomaalida oo dhanna uu Samir iyo Iimaan ka siiyo. Cabdirisaak sanad
ka hor baan Mareykanka ku kulanay oo aan waqti wada qaadanay, ka dina aan wada xiriirnay. Ra'iisul Wasaarihii hore waxuu ahaa shaqsi u
istaagay midnimada Soomaaliyeed oo weli daneynayey inuu dalka wax walba la qabto. Waxaan is dhaafsanay qoraallo uu tallooyinkiisa ku soo
jeedinayey. Waxaana ka codsaday inuu dib-u-heshiisiinta dalka horseed ka noqdo, iyadana waa uu iga aqbalay ee ALLAHA u naxariisto"

Munaasabadan ayaa waxaa hadalo kooban ka soo jeediyey Ra'iisul Wasaare Ku xigeenka, Madax dhaqameedyada Ugas Maxamud Cali Ugaas, iyo Boqor
Burhan Boqor Muse, Hoggaamiyaha Jubba Mudane Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe), Madaxweynaha Puntland, Mudane Cabdiweli Maxemed Cali Gaas, Ra;iisul Wasaaraha Xukuumadda Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed, Guddoomiyaha Baarlamaanka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud. DHAMAAD

Daawo Sawirada By Mobile
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip