Sheekh Cali Sheekh Maxamuud (Sheekh Cali Dheere) oo ka mid ah culimada ugu caansan dalka ayaa sheegay in kooxda Al-Shabaab ay leedahay astaamo badan oo ay lahaayeen Khawaarijtii dishay qaar ka mid ah asxaabtii Nabiga NNKH.
Sheekha oo ka qeyb galayay barnaamijka Tubta Toosan ee Radio Muqdisho ayaa sheegay in gaaleysiinta dadka, baneysashada dhiigga Muslimiinta, la dagaallanka dowladda iyo in qofka aan fikirkooda taageersanayn inay gaalo ugu yeeraan ay yihiin astaamo ay lahaayeen khawaarijtii dishay Sayid Cali Bin Abii Daalib RC.
Khawaarijtu waa kooxdii ugu horreysay ee inta la xasuusanyahay taariikhda Islaamka ka hor timid waxa ay ummaddu heshiiska ku tahay. Waa kooxdii ugu horreysay ee banneysatay dhiigga dad muslimiin ah iyadoo diin sheeganeysa.
Khawaarijtu waxay dileen in badan oo ka mid ah asxaabadii nabigeenna NNKH, iyagoo ku gaalnimo xukmiyay, waa koox rumeysan in dadkoo idili gaalo yihiin marka iyaga laga reebo.
Waa koox qur’aan akhris iy salaad badan, balse nabigu wuxuu ku tilmaamay in Qur’aanka ay akhrinayaan uusan dhaafsiisneyn afkooda, waxaa tilmaamaha khawaarijta ka mid ah in ay yihiin dad dhallinyaro ah oo aan aqoon u lahayn fiqhiga.
Waxay suurad xumeeyaan culimmada waaweyn oo ay dicaayad ku furaan, waxayna si rabitaankooda waafaqsan u fasiraan aayadaha Qur’aanka iyo Axaadiithta nabiga NNKH.
Mar la weydiiyay in Al-Shabaab la dhihi karo waa Khawaarij ayuu sheegay in marka la fiiriyo dhaqankooda iyo sida ay diinta uga ben abuuranayaan iyo sifooyinka ay leeyihiin lagu tilmami karo khawaarijta casiga ah.
Sheekh Cali Dheere: 'Al-Shabaab waxay leeyihiin tilmaamihii Khawaarijta'
Sheekh Cali Sheekh Maxamuud (Sheekh Cali Dheere) oo ka mid ah culimada ugu caansan dalka ayaa sheegay in kooxda Al-Shabaab ay leedahay astaamo badan oo ay lahaayeen Khawaarijtii dishay qaar ka mid ah asxaabtii Nabiga NNKH.