Ilo wareedyo muhiim ayaa xaqiijiyay in la dhameystiray qorshayaashii xilka ka qaadista ee Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Tarsan oo muddo saddex sano xilkan hayay.
Sida ay sheegayaan wararka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa soo gaba gabeeyay la tashiyo ku saabsanaa magacaabista Duqa Muqdisho iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir, iyadoo uu ugu cad cad yahay xubnaha xilkaas loo magacaabayo Jen. Xasan Maxamed Xuseen oo loo yaqaano Mungaab.
Warkan aan ka helnay ilaha lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in maalmaha soo socda laga yaabo in lagu dhawaaqo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Duqa Muqdisho Jen. Mungaab
Jen. Mungaab oo ka soo jeeda mid ka mid ah beelaha Mudullood ayaa in muddo ah u xusul duubayay xilka Maamulka Gobolka, iyadoo beelaha Mudullood ay wadeen dadaalada la xiriiray sidii xilkaas loogu magacaabi lahaa.
Kulamo hoose oo ka dhacay Madaxtooyada ayaa dhex maray Madaxweynaha Soomaaliya iyo beesha uu ka soo jeedo Mr Mungaab, kaasoo la sheegay in Madaxweynuhu ugu xaqiijiyay in xilkaas uu u magacaabayo.
Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in Mr Mungaab loo gacan geliyay waraaqdiisa magacaabista, hase ahaatee aan wali la shaacin, waxaana arrintan xalay aad looga hadal hayay mid ka mid ah Hotelada Muqdisho oo dad siyaasiyiin, saraakiil iyo xildhibaano ka tirsan baarlamaanka ay ku sheekeysanayeen wararka ku saabsan magacaabista aan wali la shaacin.
Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) ayaa xilka Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho loo magacaabay bartamihii sanadkii 2010, xilligaasoo magaalada Muqdisho inteeda badan maamulayeen Al-Shabaab, iyadoo mudadii uu xilka hayay uu wax badan ka qabtay xaalada Muqdisho, gaar bilicda Muqdisho.
Jen. Xasan Maxamed Xuseen (Mungaab) ayaa ka mid ahaa ardayadii ku soo waxbaratay dalka Sudan, waxaana Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo ay isku dhowaayeen u magacaabay Gudoomiyaha Maxkamada ciidamada qalabka sida.
Jen, Mungaab oo Qarka usaaran in loo magacaabo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir (Warbixin)
Ilo wareedyo muhiim ayaa xaqiijiyay in la dhameystiray qorshayaashii xilka ka qaadista ee Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Tarsan oo muddo saddex sano xilkan hayay.