Xasan Sheekh: "Boqolkiiba Boqol ayaan Caafimad qabaa waana Cadaw dadki hadalka faafiyay"

0
Wednesday February 12, 2014 - 19:26:05 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 2547
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 4
  • 3 0
  • Share via Social Media

    Xasan Sheekh: "Boqolkiiba Boqol ayaan Caafimad qabaa waana Cadaw dadki hadalka faafiyay"

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo goor dhaw la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in booqashada uu ku joogo dalka Turkiga uusan ahayn mid rasmi ah oo ah booqasho uu kula jooga qoyskiisa, isago

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo goor dhaw la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in booqashada uu ku joogo dalka Turkiga uusan ahayn mid rasmi ah oo ah booqasho uu kula jooga qoyskiisa, isagoo ka hadlay wararka been abuurka ah.

Madaxweynaha ayaa sheegay in wararka been abuurka ah ee lagu qal qal gelinayay xaaladiisa caafimaad ay ka dambeeyaan dad u shaqeeya maleeshiyada xagjirka ah ee Al-Shabaab, isagoo shacabka ka codsaday in aysan dhag jalaq u siinin qorshayaasha ay maleegayaan dhagar qabayaasha.

"Waa cadow umadda Soomaaliyeed ah dadka warka been abuurka ah faafiyay, shacabka waxaan u sheegayaa in dadka wararkaasi ka dambeeya ay yihiin shaqsiyaad u adeega argagixisada Al-Shabaab” ayuu yiri Madaxweynha.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxa uu hay’adaha amniga faray inay baaritaan dheeri ah ku sameeyaan dadkii ka dambeeyay wararka been abuurka ah ee lagu waxyeeleynayay xaaladiisa caafimaad.
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip