Wojciech Szczesny Oo Ka Xun Bar Barihii Ay La Galeen Man United.

0
Thursday February 13, 2014 - 10:41:32 in Sports by
  • Visits: 1504
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wojciech Szczesny Oo Ka Xun Bar Barihii Ay La Galeen Man United.

    Goolhaya Arsenal Wojciech Szczesny ayaa ka hadlay bar barihii ay lagaleen kooxda Man United xalay isagoo sheegay inuu aad uga xun yahay bar barahaas sidoo kale wuxuu sheegay inay ka faa,idaysan waayeen fursado fiican oo ay heleen ciyaarta.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Goolhaya Arsenal Wojciech Szczesny ayaa ka hadlay bar barihii ay lagaleen kooxda Man United xalay isagoo sheegay inuu aad uga xun yahay bar barahaas sidoo kale wuxuu sheegay inay ka faa,idaysan waayeen fursado fiican oo ay heleen ciyaarta.

Szczesny ayaa sheegay inay soo ban dhigeen kulan adag balse aysan goolal dhalin isagoo intaa ku daray inay wax walbo ka fiicantahay in aan gool laga dhalin shabaqiisa kadib 5 gool oo ay ka dhalisay Liverpool.

Gool haaye Wojciech Szczesny ayaa yiri: "Waxaan soo ban dhignay kulan fiican, Man United sifiican ayeey u difaacdeen goolkooda, kama aanan faa’idaysan fursadihii aan helnay ciyaarta, waxaan awoodnay inaan ciyaata ka helno natiijo aan ku farxi karnay, waa natiijo laga xumaado midaan, laakiin waxa kaliya ee wanaaga ahaa waa in aan shabaqeena lasoo taaban kadib 5 gool oo aan kala kulanay Liverpool”.

Szczesny ayaa ka hadlay kubadii qatarta ahayd ee uu ka bixiyay Van Persie taas oo kusii dhacday birta isagoo yiri” Si fiican ayaan uga bixiyay kubadaas, waxaan doonayay in aan shabaqayga gool lataabsiin, dhabtii jawaab fiican ayaan bixiyay anigoo sifiican uceliyay kubada”.

Wojciech Szczesny ayaa noqday Man Of the Match ama xidigii ciyaarta kadib markii uu kooxdiisa kabad baadiyay fursad sababi lahayd inay markale dhibane u noqdaan kooxda Man United isagoo laba kubad oo qatar ahaa ka badbaadiyay Van Persie

 

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip