RW, Saacid oo ka warbixiyay Heshiisyadi soo galeen (Sawiro)

0
Wednesday September 11, 2013 - 16:44:31 in Wararka by Web Admin
  • Visits: 1218
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    RW, Saacid oo ka warbixiyay Heshiisyadi soo galeen (Sawiro)

    Ra'iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay kadib safaro uu ku tegay dalalka Jabuuti, Sucuudiga iyo Yemen, halkaasoo uu heshiisyo kala duwan kula soo saxiixday hay'ad

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ra'iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay kadib safaro uu ku tegay dalalka Jabuuti, Sucuudiga iyo Yemen, halkaasoo uu heshiisyo kala duwan kula soo saxiixday hay'addo iyo wadamo, waxaana safarkiisa ku wehliyay xubno ka tirsan golaha Wasiirada oo uu ka mid yahay Wasiirka Gaashaandhigga, iyo Wasiiru dawlaha Arrimaha dibadda. Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa garoonka ku soo dhoweeyey xubnaha golaha Wasiirada, xidlhibaano, saraakiil, iyo dadweyne aad u tiro badan kuwaasoo ka kala yimid degmooyinka gobolka Banaadir uuna hor kacayay guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Maxamuud Axmad Nuur Tarsan, isaga oo Ra’iisul Wasaaruhu ka warbixiyay natiijada safarkiisa gaar ahaana muhiimada heshiisyo horumarineed oo ay la soo galeen isaga iyo wafdigiisu urur weynaha Islaamka OIC, iyo dawladda Yemen.

Ra’iisul Wasaare Saacid ayaa ugu horeyntii sheegay in ujeedada safarkiisu uu isugu jiray Cibaado iyo shaqo, maadaama Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisu ay tageen Magaalada Barakeysan ee Makkah Al Mukaramah, isla markaana ay soo Cumreysteen, ayna alle uga baryeen dalka inuu helo xasilooni iyo barwaaqo.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in dalalka ay socdaalka ku tageen isaga iyo wafdigiisa ay la soo galeen heshiisyo muhiim ah oo ku aadan dhinacyada Iskaashiga Dhaqaalaha, Ganacsiga iyo Maalgashiga, Iskaashiga dhinaca Waxbarshada iyo Dhaqanka, Tacliinta-sare iyo Warbaahinta, iskaashiga dhinaca Diplomaasiyadda, Nabadgalyadda, Gaashaandhiga iyo Cadaaladda, Iskaashiga dhinaca Arimaha Bulshada iyo Qaxootiga.

Sidoo kale, Ra’iisu Wasaaruhu waxa uu si gaar ah u xusay heshiis ay xukuumadu la gashay Urur weynaha Islaamka (OIC), kaasoo dhigayay in ururku uu ka taageero dalka Soomaaliya dhinacyada, Horumarinta Adeegyadda Bulshada iyo kaabayaasha dalka, Wax soo saarka kala duwan ee dalka, Daymaha bislaaday oo dib loo eego, soo noolaynta mashaariicdii hore ee bankiga islaamka uu ka fulin jiray dalka Soomaaliya, Tayaynta howl-qabadka Hay’adaha Dawladda.

Dhanka kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa ammaan iyo bogaadin u jeediyay dalka Jabuuti iyo hogaankeeda, wuxuuna xusay inay sameeyeen horumar furfurnaanta dhanka siyaasada, iyo dhaqaalaha, isaga oo tusaale u soo qaatay dakado cusub oo laga hirgeliyay dalka Jabuuti intii ay booqashada ku joogeen dalka, wuxuuna tilmaamay inay ka wada hadleen madaxweynaha Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, gaar ahaana sidii loo horumarin lahaa Dakaddaheena.

Ra’iisul Wasaare Saacid ayaa soo dhoweeeyey mar kale soo dhoweeyey heshiiskii dawladda Soomaaliyeed iyo maamulka Jubba ee uu madaxda ka yahay Axmad Madoobe, waxaana uu ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay taageeraan, kana qeyb qaataan sidii loo dhaqangelin lahaa heshiiskaasi oo qeyb ka ah hanaanka dib u heshiisiineed ee ay dawladdu ku howlan tahay.

Dhinaca kale, masm’uuliyiinta dalka Yemen oo uu ka mid ahaa Wasiirka Caafimaadka ee dalka Yemen Dr Axmad Qaasim Al Cansi ayaa si heer sare ah Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa ku soo sagootiyay halkaasoo booqasho rasmi ah wafdigu ay ku joogeen maalmihii la soo dhaafay.


Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip