Wax ka ogow kulanka xiisaha badan ee Arsenal iyo Man United.

0
Sunday November 10, 2013 - 10:39:25 in Sports by Xarunta Dhexe
  • Visits: 1371
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wax ka ogow kulanka xiisaha badan ee Arsenal iyo Man United.

    Waxaa caawa lawada sugi la,yahay kulan dhex maridoona kooxaha sida weyn u xifaaltama ee Arsenal iyo Man United ciyaar katirsan horyaalka wadanka ingiriiska waana kulan aad u xiiso badan marka la eego kulamada kale ee la ciyaari doono horyaalka ingiri

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa caawa lawada sugi la,yahay kulan dhex maridoona kooxaha sida weyn u xifaaltama ee Arsenal iyo Man United ciyaar katirsan horyaalka wadanka ingiriiska waana kulan aad u xiiso badan marka la eego kulamada kale ee la ciyaari doono horyaalka ingiriiska.
Macalinka kooxda Arsenal tababare Arsen Wenger ayaa caawa maridoona tijaabadii sadexad waloow labadii hore uu ka soo tilaabsaday kadib markii uu ka soo badshay kooxaha Liverbool iyo B Dortmund hadii uu caawa badsho macalin Wenger waxaa ay u noqon doontaa taaqiiq wanaagsan.

Sidoo kale macalin David Moyes ayaa maridoona tijaabada labaad tan iyo markii la furay horyaalka ingiriiska tijaabada hore waxaa dhulka ku soo jiiday kooxda Liverbool oo ka soo badisay.

Kulankaan waxaa uu ka dhicdoona garoonka kooxda Man United Old Trafford waxaa garsoore ka noqon doona Michael Oliver ciyaarta ayaa soo galidoonta 7:10 habeenimo xilga geeska africa.

Arsenal waxaa dhaawac kaga maqnan doona Vassiriki Abou Diaby,Yaya Sanogo,Alex Oxlade-Chamberlain,Lukas Podolski, iyo Theo Walcott.

Man United waxaa dhaawac kaga maqanan doona Rafael ,Jonny Evans,Darren Fletcher,Tom Cleverley iyo Danny Welbeck.

Labadan koox ayaa wada ciyaaray 216 kulan 91 mar waxaa badisay kooxda Man United halka 78kulan ay badisay kooxda Arsenal 47 jeer waxaa ay galeen barbar dhac.

Line Up macquulka ah.

Arsenal: Szczesny; Sagna, Mertesacker, Koscielny, Gibbs; Flamini, Arteta, Ramsey, Cazorla, Ozil; Giroud

Manchester United: De Gea; Rafael, Vidic, Evans, Evra; Valencia, Carrick, Cleverley, Janzuaj; Rooney, Van Persie

 



Laacib.so
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip