Dhacdo aan horay loo arag oo ka dhacday deegaan ka tirsan Putland

0
Sunday February 16, 2014 - 14:44:46 in Wararka by
  • Visits: 6008
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhacdo aan horay loo arag oo ka dhacday deegaan ka tirsan Putland

    Dhacdo la yaab leh ayaa ka dhacday deegaano ka tirsan Maamulka Gobaleedka Soomaaliyeed ee Puntland, kadib markii ruux ku noolaa dhulka miyiga dhacdadaan ay dhowr mar qabsatay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dhacdo la yaab leh ayaa ka dhacday deegaano ka tirsan Maamulka Gobaleedka Soomaaliyeed ee Puntland, kadib markii ruux ku noolaa dhulka miyiga dhacdadaan ay dhowr mar qabsatay. Sida ay wax udhaceen waxaa ka sheekeeyay nin lagu magacaabo Axmed Barre oo kamid ah dadkii tagay goobta arintan ay ka dhacday.

Dhacdada ayaa waxa ay tahay nin kamid ah dadka deegaanka Higla Gool oo ku dhaw Degmada Dhahar ee Puntland ayaa dhowr mar waxa uu dab ka kacay goob uu ku sugnaa.

Dabkaan ayaa markii hore wuxuu ka kacay xero ninkaasi ay ugu jireen xoolo, waxaana uu dabka gabi ahaanba baabi’iyay xeradii ariga.

Maalin kale oo xigtay ayaa waxaa dhacday ninkii masiibadaan ay daba taagneyd in isaga oo tukunaya, kuna dukanaya geed hoostiisa uu dab ka kacay shaatigii uu watay, inkastoo qadarta Alle uu ninkaasi waxba noqon.

Maalin kahor waxaa dhacday hadana inuu gubtay gurigii uu ku sugnaa ruuxa masiibada ay daba taagneyd,waxaana gabi ahaanba basbeelay aqalkii uu daganaa.

Iyadoo ay taasi jirto oo dadka deegaanka ay yaaban yihiin, ayaa waxaa sidoo kale dhacday in ninkii masiibada daba taagneyd la geeyay guri kale oo ka agdhawaa gurigiisa uuna degan yahay wiil uu adeer u yahay, waxaana sidoo kale halkaasi ka dhacday in gurigii la geeyay ninkaasi uu gubtay.

Dadka deegaanka miyiga ee Higa Gool oo argagaxsan ayaa isugu yeeray culimo gaareysa ilaa 40-kuwaasi oo bilaabay aqrinta Qur’aanka waxaana la sheegay in ilaa shalay aysan arag wax dab ah.

Dabkaan ayaa laga warhelayaa marqura isaga oo holcayaa, balse aan la ogaan karin sida uu ku bilaabanayo.
Arintani ayaa ah mucjiso xag Alle ka socota, iyadoo ilaa hada ay fahmi la’yihiin dadka deegaanka.

Xigasho: Risaala
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip