Real Madrid yee ka dooneysaa Man United?

0
Monday February 24, 2014 - 14:49:18 in Sports by
  • Visits: 2473
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Real Madrid yee ka dooneysaa Man United?

    Kooxda Real Madrid ayaa eegeysa inay goolhayaha kooxda Manchester United David de Gea ay dib ugu soo celiso caasimadda Spain xagaaga sida ay warinayso majaladda Sports Direct News.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kooxda Real Madrid ayaa eegeysa inay goolhayaha kooxda Manchester United David de Gea ay dib ugu soo celiso caasimadda Spain xagaaga sida ay warinayso majaladda Sports Direct News. Tababaraha kooxda ku ciyaarta Bernabeu ee Carlo Ancelotti ayaa isagoo haysa labada goolhaye Diego Lopez iyo Iker Casillas, waxa uu tababarahan reer talyaaniga hadda doonayaa inuu la saxiixdo xiddigii hore ee kooxda Atletico Madrid David de Gea.

Kooxda Man United ayaa xagaagan dooneysa inay sii haysato goolhayaha reer Spain, kaasoo aan shabaqiisa gool laga dhalin afar ka mid ah todobadii kulan ee la soo dhaafay oo uu kasoo muuqaday kooxdiisa Premier League.

Si kastaba kooxda Man United ayaan rajo wanaagsan ka lahayn inuu u soo baxdo Champions League, waana taas tan laga yaabo inay goolhaye David de Gea ku riixdo inuu kooxda ka dhaqaaqo xagaaga maadaama uu u dagaalamayo booskiisa qaranka Spain, balse United ayaa ku dagaali doonta xiddigan ilaa ay ka hesho goolhaye u dhigma oo booskiisa u bedeli kara.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip