Hordhaca kulanka xiisaha badan ee Liverpool iyo Real Madrid, CR7 oo doonaya gool Anfield uu ku dhaliyo‏

0
Wednesday October 22, 2014 - 11:49:56 in Wararka by
  • Visits: 2479
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hordhaca kulanka xiisaha badan ee Liverpool iyo Real Madrid, CR7 oo doonaya gool Anfield uu ku dhaliyo‏

    Caawa waxa isku dhagan laba naadi oo magac iyo taariikh weyn ku leh Champions League waxayna ku kulmi doona garoonka Anfield Road waana marka ay Liverpool soo dhaweyso kooxda Real Madrid oo ah difaacdayaasha tartankaan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Caawa waxa isku dhagan laba naadi oo magac iyo taariikh weyn ku leh Champions League waxayna ku kulmi doona garoonka Anfield Road waana marka ay Liverpool soo dhaweyso kooxda Real Madrid oo ah difaacdayaasha tartankaan.
Liverpool vs Real Madrid

Garoonka : Anfield

Waqtiga : 9:45 xiliga geeska Afrika



Group-ka B waxaa hogaanka u haaya kooxda Real Madrid oo 6 dhibic leh halka Liverpool ay leedahay 3 dhibcood oo qaleel ah maadaama laga soo badiyay kulanki ugu danbeyay

Liverpool ayaa gali doonta xusuus adag iyadoo markii isugu dambeysay labadaan kooxood ay aheyd 2008-2009, waxaana xiligaas 5-0 kusoo baxay isku cel-celis kooxda Liverpool oo Bernabue guul 1-0 ah kusoo gaartay halka Anfield ay ku gaartay guul 4-0.

Kooxda ka dhisan EPL-ka ayaa kaliya afar guul ka helay 14-kulan oo ay la ciyaareen kooxaha reer Spain, sidoo kalana afar jeer ayey barbaro la galeen.

Labada kooxood ayaa gaaray guulo muhiim ah isbuucaan kadib markii Liverpool ay 3-2 ku dhaaftay QPR, halka Real Madrid ay 5-0 ku xaaqday kooxda Levante, waxaana Madrid usii dheer iney guul gaartay dhamaan 7-dii kulan ee ay ciyaartay kadib guuldaradii Atletico Madrid.

Real Madrid waa kooxda difaacaneysa Champions League-ga waxeyna ku guuleysatay markeedii 10-aad xili ciyaareedkii dhamaaday, sidoo kalana sadexdii kulan ee ugu dambeysay oo ay England soo booqatay lagama adkaan waxaana ku jirta guul ay ka gaareen Man United 2012-2013 wareega 16-ka.

Kooxda Martida loo yahay waxaa ka maqnaan doona Daniel Sturridge kaas oo dhibaato dhaawac qaba, halka Mamadou Sakho isna la filayo inuu seego.

Mario Balotelli ayaa hogaamin doona weerarka Reds isagoo la wadaagi doona Lallana iyo Sterling, halka Joe Allen uu diyaar u yahay inuu isna kusoo laabto kooxda.


Madrid ayaa weyneysa weeraryahankeeda reer Wales Gareth Bale kaas oo dhaawac looga saaray kulankii Levante, waxaana laga yaabaa in James Rodriguez uu buuxiyo booskiisa Bale halka booskiisa loo idmi doono Isco.


LINE UPKA MACQUULKA AH:

Liverpool:

Mignolet; Johnson, Skrtel, Lovren, Enrique; Allen, Henderson, Gerrard; Sterling, Balotelli, Lallana

Real Madrid:

Casillas; Carvajal, Varane, Pepe, Marcelo; Modric, Kroos, Isco; James, Benzema, Ronaldo


Dhanka kale kooxda Basel iyo Ludogerets oo ka mid ah labada kooxood ee groupkaan ku jira ayaa is wajahi doona waxaana marti loo yahay kooxda Ludogerets oo ah koox ku cusub heerkaan.

Kabtan Streller ayaa guul u keenay Basel kulankii ay Liverpool wajaheen, kulan ka dhacay Jakob Park,waxaana ay kooxda heshay sadexdii dhibcood ee ugu horeysay.

Sidoo kale Ludogerets laba guuldaro oo lagu rafaaday ka kala heshay kooxaha Real Madrid iyo Liverpool, waxeyna u tahay guul madama iyadoo markii ugu horeysay kasoo qeyb gashay ay si dirqi ah kaga badiyaan laba koox oo sumcad iyo sharaf ku leh tartankaan.

LINE UPKA MACQUULKA AH:

Ludogorets:

Stoyanov; Junior Caiçara, Moti, Aleksandrov, Minev; Dyakov, Dani Abalo, Andrianantenaina, M Aleksandrov; Bezjak, Marcelinho

FC Basel:

Vaclik; Xhaka, Suchy, Schar, Safari; Frei, Elneny, Serey Die, Hamoudi; Streller, Embolo

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip