Booliska London oo baaritaano kuwado Ciyaariyahanka Arsenal ee Ozil "Sabab? + Sawirro"

0
Tuesday February 25, 2014 - 12:14:44 in Sports by
  • Visits: 13497
  • (Rating 2.5/5 Stars) Total Votes: 2
  • 2 2
  • Share via Social Media

    Booliska London oo baaritaano kuwado Ciyaariyahanka Arsenal ee Ozil "Sabab? + Sawirro"

    Xidiga dhibaateysan ee Arsenal Mesut Ozil ayaa boolisku su'aalo ka waydiiyeen eedeeymo ah in gaariga uu watay uu shil ku galay qof sawir qaade ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xidiga dhibaateysan ee Arsenal Mesut Ozil ayaa boolisku su'aalo ka waydiiyeen eedeeymo ah in gaariga uu watay uu shil ku galay qof sawir qaade ah.

Saxiixa qaaliga ah ee gaaraya 42.5million oo gani ayaa ku laabtay gurigiisa Germany Isniintii kaddib markii la sii yay labo maalin oo fasaxa si uu maskaxdiisa uga soo nadiifiyo dhibaatada.

Sidoo kale kulankii Sabtidii ayaa la nasiyay kaddib markii guul daro qaraar Champions League ay kala kulmeen kooxda tartankan difaacaneysa ee Bayern Munich.

Ozil xitaa lagu ma soodarin keydka Wenger ciyaartii ay 4-1 ay kaga taqaluseen Sunderland, maalin kaddib markii lagu eedeeyay in uu geystay shil ka dhacay Highgate oo ka tirsan North London.

Afhayeenka booliska Magaalada ayaa sheegay: "Booliska waxaa la soo wacay qiyaastii 7.18pm Jimcihii 21 February waxana lagu soo wargaliyay eedeymo sheegaya in gaari lagu dhuftay qof dadka ka tirsan”.

"Qofkaasi waxa uu ahaa Nin 30 jir ah waxana soo gaaray dhaawac fudud waxana xafiisyada lagu wargaliyay gaarigaasi in la qabto”.

Afhayeenka ayaa intaasi ku daray in wali baaritaanadu ay socdaan islamarkaana aysan jirin dad wali soo xiray falkaasi.

Ozil ayaa xaalad adag ku sugnaa dhawaanahan kaddib markii uu gool kulaad ka qasaariyay Gunners kulankii 2-0 looga adkaaday Champions League lugta koowaad ee ka dhacday Emirates.

 

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip