Ciidanka Amaanka Oo Xabsiga Dhigay Ciidamo Ka Tirsan Booliska Soomaaliya

0
Monday May 30, 2016 - 15:12:33 in Wararka by Xafiiska Muqdisho
  • Visits: 1138
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidanka Amaanka Oo Xabsiga Dhigay Ciidamo Ka Tirsan Booliska Soomaaliya

    Ciidamada amaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa waxa ay soo qabteen kooxo burcad ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada amaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa waxa ay soo qabteen kooxo burcad ah.

Waxaa la sheegay dadka la soo qabtay in ay ahaayeen dad dhac iyo boob ugeysan jiray shacbka ku nool magaalada Muqdisho.

Dadka la soo qabtay ayaa waxaa lagu soo bandhigay mid ka mid ah xarumaha ciidamada amaanka dowladda Soomaaliya.

Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir C/fataax Cumar Xalane oo warbaahinta la hadlay ayaa waxa uu sheegay in maalmahan maamulka gobolka Banaadir ay wadeen kormeero ay ku tagayaan degmooyinka.

Waxa uu sheegay Afhayeenka in ciidamada amaanka maanta ay soo qabteen 4 nin oo ka mid ahaa dad dhac ka geysan jiray magaalada Muqdisho, isagoo tilmaamay in ragan la soo qabtay sharciga lala tiiksan doono.

Maamulka gobolka Banaadir ayaa waxa ay hirey u sheegeen in amaanka Muqdisho si weyn loo adkeyn doono maadaama Bisha Ramadaan ay fooda inagu soo heyso lagana cabsi qabo in ururka Al-shabaab ay weeraradooda kordhiyaan.
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip