Ciidamo Ka Tirsan Booliska Soomaaliya Oo Maanta Tababar Loogu Soo Xiray Dalka Uganda + Sawirro

0
Saturday September 10, 2016 - 19:20:46 in Wararka by Xafiiska Muqdisho
  • Visits: 1418
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamo Ka Tirsan Booliska Soomaaliya Oo Maanta Tababar Loogu Soo Xiray Dalka Uganda + Sawirro

    Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa tababar ugu soo xiray Saraakiil ka tirsan ciidanka Booliska Soomaaliyeed dalka Uganda.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa tababar ugu soo xiray Saraakiil ka tirsan ciidanka Booliska Soomaaliyeed dalka Uganda.

Ciidanka ayaa muddo dhan halsano waxa ay leyli sarkaal ku qaadanayeen dalka Uganda , waxaana tababar la qaadanayay Ciidamo kala socday dalalka Ugand iyo Koonfurta Sudan.

Xaflada Soo xiritaanka Munaasabada waxaa kasoo qeyb galay Madaxweynaha dowladda Uganda Yuweri Musaveni.

"Sharaf weyn ayay ii tahay in aan ka soo qeybgalo xafladda saraakiisha booliska ah ee uu mudada halka sana ah dalkan tababarka uga socday, waxay tababar la qaadanayeen askar kale oo ka socday dalka Koofurta Suudaan, Madaxweynaha Ugandha iyo marti sharaf kale ayaa ka soo qeybgalay xafladda xiritaanka, dhawaan ayay dalka dib ugu laaban doonaan iyagoo Aqoon iyo waaya aragnimo kororsaday” ayuu yiri Gen Xaamud oo la hadlay Wakaalada Wararka Soomaaliyeed SONNA.

Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa sanadyadii la soo dhaafay waxa ay ku talaabsadeen horumar la taabankaro.
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip