Suldaan Aweys ,oo Hambalyo iyo bogaadin udiray Gudoomiyaha Cusub ee Gobolka Banaadir isagoo dhanka kalena fariin udiray bulshada kunool gobolka.

0
Saturday March 01, 2014 - 11:21:52 in Wararka by Web Admin
  • Visits: 5755
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Suldaan Aweys ,oo Hambalyo iyo bogaadin udiray Gudoomiyaha Cusub ee Gobolka Banaadir isagoo dhanka kalena fariin udiray bulshada kunool gobolka.

    Suldaan Aweys Suldaan Maxamud, Suldaanka Beesha Celli Cumar ee fadhigiisu yahay Dalka Australia ayaa waxa uu shabakada warsheekh soo gaarsiiyay dhambaal isugu jiro Hambalyo, Dhiiro galin iyo Tala siin waxa uu usoo jeediyay gudoomiyaha cusub ee Gobolk

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Suldaan Aweys Suldaan Maxamud, Suldaanka Beesha Celli Cumar ee fadhigiisu yahay Dalka Australia ayaa waxa uu shabakada warsheekh soo gaarsiiyay dhambaal isugu jiro Hambalyo, Dhiiro galin iyo Tala siin waxa uu usoo jeediyay gudoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Jeneraal: Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab).
Suldaanka ayaa ugu horeyn waxa uu urajeeyay Gudoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho mudane Muungaab in xilkaa culus uu Eebe lagarab galo, hasa yeeshe suldaanka waxa uu fariin udiray dhamaan bulshada kunool gobolka Banaadir uu faray iney la shaqeeyaan gudoomiyaha cusub si ee usahlanaanto wax kaqabashada howlaha baaxada leh ee horyaalo.

"Bulshada kunool gobolka hadii ahaan lahaayeen, Culuma’udiin, Aqoonyahano, Dhaqanka, Hooyooyinka iyo dhalinyarada iney gacan siiyaan gudoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir si buu ugaaro himiladiisa”, ayuu yiri Suldaan Aweys Suldaan Maxamuud Suldaanka Beesha Celli Cumar.

Suldaanka ayaa sidoo kale waxa uu muujiyay mudane Muungaab inuu yahay shaqsi kuhaboon qabashada xilkaan isla markaana qibrad uleh Xasilin magaalada caasimada ah ee Muqdisho Bacdamaa Jeneraalka uu wax badan kaqabtay dhinaca amniga mudadi uu kashaqeynaayay maxkamada ciidamada Qalabka Sida oo ee kudiirsadeen Shacabka Soomaaliyeed kuwaasi oo la daala dhacayay tacadiyo uga yimaado ciidamada dowlada.

Taageerada Suldaanka ayaa waxey kusoo beegmeesaa xili munaasabado lagu soo dhaweynaayo gudoonka cusub ee gobolka Banaadir ee dhacayaan.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip