Qaraxaan oo
ahaa Nuuca loo yaqaano Miinada ayaa waxaa lagu aasay wado kasoo baxda hooyga
wasiirka arimaha gudaha iyo amnigu uu ka dagan yahay magaalada
Kismaayo,Taliyaha nabad sugidu lama uusan soconin gaariga waxaana qaraxan
waxyeelo kasoo gaartay sadax kamida ilaalada Axmed Niiniile,sida wararka ay
sheegayaan.
Dhanka kale,maamulka Jubba oo ka hadlay qaraxii maanta ayaa xaqiijiyay
jiritaanka Qaraxa,laakiin waxay beeniyeen in waxyeelo uu geystay Qaraxaasi.
Taliyaha Ciidamada maamulka Jubba Maxamuud Khaalin ayaa sheegay in Gaari si
xowli ah ku socda xaga danbe Qarax lagala eegtay,isagoona meesha ka saaray in
wax qasaaro ah uu geystay.
Sikastaba Taliyaha ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay in Qaraxa uu ka dhacay
agagaarka Guriga Wasiirka amniga maamulka Jubba.
Maamulka Jubba oo ka hadlay qaraxii maanta kismaayo ka dhacay
Maamulka ku meel-gaarka ah ee jubba ayaa waxa uu manta ka hadlay qaraxii manta ka dhacay Magaaladda Kismaayo ee Xarunta Jubbada Hoose.