Man United oo shan xidig iska iibineyso "Waa kuwee?"+Sawirro

0
Saturday March 01, 2014 - 21:14:43 in Sports by
  • Visits: 2115
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Man United oo shan xidig iska iibineyso "Waa kuwee?"+Sawirro

    Kaddib guul daradii foosha xumeyd ee Talaadii soo gaartay United iyo bandhigeedii liitay ayaa waxaa sii kordhaya cadaadisa saaran Macalin David Moyes.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kaddib guul daradii foosha xumeyd ee Talaadii soo gaartay United iyo bandhigeedii liitay ayaa waxaa sii kordhaya cadaadisa saaran Macalin David Moyes.

Hadaba waxaan fiirin doonaa xidigo dhawr ah oo ay qasabtahay in ay Manchester United iska iibiso Xagaagan.

1. Tom Cleverley

Waa ciyaartoy aad loola xiriiriyo Sir Alex Ferguson, Cleverley uma uusan hormarin xirfadiisa sida ay ka filayeen taageerayaasha United, marka lala barbardhigo xidigaha qadka dhexe ee Yurub meelna kama soo galyo Cleverly.

Waxana taasi u wacan bandhig xumadiisa xilli ciyaareedkan, inkastoo kooxda Red Devils ay aad u liidato.

Waa booska uu ka dheelo meesha ay United dooneyso in ay iska xoojiso, sidaasi darteed waa in ay isbadal sameyso oo xidigan ay iska iibiso Man United.

2. Ashley Young

Inkastoo uu bandhig fiican ku bilaawday xirfadiisa United, hadan Young ayaa wax qabadkiisa liitaa.

Tan iyo markii uu soo baxay Adnan Januzaj waxa muuqta in waayihiisii Old Trafford uu dhamaanayo.

Istuurkiisa Diilinta 18ka ee uu sameynayay labadii xilli ciyaareed ee ugudan beysay ayaan ka caawin in uu wali kalsooni ku helo kooxda Red Devils waxan uu ka mid ahaa xidigihii aadka u liitay kulankii Olympiakos.

3. Nani

Waxaa jiray dood la fahmi karay markii Nani uu saxiixay heshiis cusub horaantii xilli ciyaareedkan kooxda United. Waa ciyaartoy aad uga careysan joogi taanka Odl Trafford.

Xidigan ayaa sidoo kale ka soo bixi waayay shaqadii uu kala wareegay Ronaldo, inkastoo ay dhibaato ku tahay soo ifbaxa Januzaj.

Hadii la iibsho Ashley Young waxa ay u muuqan kartaa in uu heli karo boos United ah laakiin waa in uu wax ka badalaa qaab ciyaareedkiisa.

4. Shinji Kagawa

Shaki kuma jiro in Kagawa uu yahay ciyaartoy aad u tayo badan kubada cagta. Si kastaba, waxaa soo iibsaday Ferguson si uu ugu badasho Wayne Rooney oo waqtiigaa xiriir xun uu kala dhexeeyay.

Kagawa ayaa wali la ciyaar siin karaa boosas badan laakiin si fiican ugama ciyaari karo booska garabka oo kale.

Soo gadashadii Juan Mata bishii Janaayo kaasi oo ay isku boos ciyaaraan ayaa ka dhigan in xidigan uu dib ugu laaban doono Dortmund.

5. Anderson

Sida qiyaastu u badantahay Anderson oo hada Amaan kula jooga Fiorentina ayaa si rasmiga kooxda uga mid noqon doona dhamaadka xilli ciyaareedkan, waana in United arintaasi ay xaqiijiso.

Laacibka qadka dhexe oo uu dhaawac daashaday ayaan safan kulamo soo lab laabtay horayaalka taasi oo ay ugu wancneyd in uusan tababaruhu la dhacsaneyn qaab ciyaareedkiisa.

Si kastaba Kooxda Man United ayaa si toos u fasixi karta xidigan waxana la cagta ay ku hesho ay ka anfici karaa in laacib fiican ay kusoo gadato.


Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip