Kadib weerarki madaxtooyada ciidamo gaar ah oo Hay'adaha UN-ka Muqdisho kahowlgalayaan

0
Sunday March 02, 2014 - 21:12:43 in Wararka by Web Admin
  • Visits: 1398
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kadib weerarki madaxtooyada ciidamo gaar ah oo Hay'adaha UN-ka Muqdisho kahowlgalayaan

    Ilaa 410 askari oo ku hawlgali doona United Nations Guard, ayaa waxaa loo daabulay Magaalada Muqdisho, xilli ammaanka Xarunta Somaliya ay noqotay mid uu fashil ku yimid.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ilaa 410 askari oo ku hawlgali doona United Nations Guard, ayaa waxaa loo daabulay Magaalada Muqdisho, xilli ammaanka Xarunta Somaliya ay noqotay mid uu fashil ku yimid.
Ciidamadaan, ayaa waxay ka socdaan Dowladda Uganda, balse waxay ku hawlgali doonaan magaca United Nations Guard.

Afhayeenka Ciidamada Dowladda Uganda Col. Paddy Ankunda, ayaa maanta sheegay in Ciidamadaan ay noqonayaan noocoodii ugu horeeyay, oo loo daabulo Magaalada Muqdisho.

Afhayeenka, ayaa intaa raaciyay inaanay Ciidamadaan wax shaqo ah ku lahayn Ciidamada kale ee Amisom, laakiin ay hoostaggi doonaan Taliska Amisom ee Xalane.

Mar uu ka hadlaayay waxa keenay in Ciidamadaan loo daabulo Magaalada Muqdisho, ayaa wuxuu ku sheegay dalab kaga yimaaday dhinaca Dowladda Federalka ee Soomaaliya.

Sarkaalkaan, ayaa xusay in dalabkaan uu ka dambeeyay markii weerar ismiidaamin ah uu Khamiistii ka dhacay maqaaxi ku taala Wadada Fiat, oo ku dhow Xarunta Hay'adda Nabad Suggida ee Somaliya.
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip