Ra'iisul Wasaare-kuxigeenka oo la kulmay mas'uuliyiinta Ururada hoos yimaada Ururka Iskaashiga Islaamka (Daawo Sawiro)

0
Sunday March 16, 2014 - 14:20:29 in Wararka by Web Admin
  • Visits: 1706
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ra'iisul Wasaare-kuxigeenka oo la kulmay mas'uuliyiinta Ururada hoos yimaada Ururka Iskaashiga Islaamka (Daawo Sawiro)

    Muqdisho, March 16, 2014-----Ra'iisul Wasaare kuxigeenka ahna Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Mudane Ridwaan Xersi Maxamed ayaa la kulmay xubno matalayay hay'addaha iskaashiga la leh ururka iskaashiga Islaamka, waxaana kulankan looga hadlay si

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muqdisho, March 16, 2014-----Ra'iisul Wasaare kuxigeenka ahna Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Mudane Ridwaan Xersi Maxamed ayaa la kulmay xubno matalayay hay'addaha iskaashiga la leh ururka iskaashiga Islaamka, waxaana kulankan looga hadlay sidii loo gaarsiin lahaa gobolada la xoreeyey mashaariicda horumarineed ee ururka iskaashiga islaamku bixiyo soona marsiiyo hay'addahan gudaha ka howlgala.
Kulanka ayaa waxaa sidoo kale ku wehlinayay Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Cabdullaahi Goodax Barre iyo Wasiirka Caafimaadka Axmed Maxamed Maxamuud, waxa uuna Ra’iisul Wasaare kuxigeenku kula dardaarmay howlwadeenada hay’addani inay shacabka uga faa’iideeyaan fursada muuqata, maadaama degaanada dhowaan laga saaray kooxaha nabadiidku ay ka jirto baahi weyn oo dhanka Raashinka, Biyaha, caafimaadka, waxbarsahada iyo adeegyada kale ee aas-saasiga ah, loona baahan yahay in hay’adduhu ay daboolaan baahiyahaas.

"Shacabku maanta ayuu ugu baahi badan y ahay taageeradiina, waana inaad si dhaqso leh u gaartaan degmooyinka iyo gobolada la xoreeyey” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare kuxigeenka ahna Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Mudanen Ridwaan Xersi Maxamed.

Dhanka kale, howlwadeenada iyo madaxda hay’addahan xiriirka la leh ururka iskaashiga Islaamka, ayaa balan qaaday inay sii laban laabi doonaan dadaalkooda ku aadan gaarsiinta gargaarka ee dadka u baahan, ayna uga faa’iideyn doonaan shacabka fursadaha iyo mashaariicda kala duwan ee ururku bixiyo.


Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip