Munaasabadan ayaa lagu soo bandhigay Film Documentary oo ka hadlayay waxqabadii dhinaca horumarinta bulshada, wacyi gelinta, siminaarada iyo dooda ay u qabatay qeybaha kala duwan ee Bulshada.
Ka qeyb galayaasha Munaasabadan lagu soo bandhigayay Waxqabadka Hey'adda CCD oo ka badnaa in ka badan shan boqol oo ruux ayaa daawaday filmka Documentary oo soconayay muddo nusa saac ah, kaasoo looga hadlayay waxqabadka ay ku tallaabsatay Hey'adda CCD mudadii lixda sano.
Ugu horeyn waxaa munaasabada furay Iimaam Maxamed Yuusuf oo ka mid ah madax dhaqameedyada Soomaaliyeed, isagoo u hambalyeeyay Hey'adda CCD waxqabadkeeda dhinaca bulshada, waxaana uu ku ammaanay in Hey'addu ay ku baaqdo nabad, oo aanay colaad ku baaqin.
Gudoomiyaha Hey'adda Wada Hadalka Bulshada ee CCD Ciise Axmed Cumar oo munaasabada ka jeediyay khudbad dheer dhinacyo kala duwan taabaneysay ayaa waxaa kaga hadlay heerarkii ay soo martay hey'adda lixdii sano ee u dambeeyay, isagoo cadeeyay inay ka soo baxeen xilli aad u adag oo aanay suura gal aheyn in la qabto siminaaro iyo banaan baxyo, isla markaana dadweynaha ay ahaayeen kuwo cabsi ku jiray.
Gudoomiye Ciise ayaa sheegay in Hey'adda hadafkeeda uu yahay sidii bulshada Soomaaliyeed fikirkooda saliimka ah u dhiiban lahaayeen, iyagoo aanay cabsi qabin, isla markaana ay ugu dhiira geliyaan sidii ay ku gaari lahaayeen doorasho xor ah oo ka dhacda Soomaaliya.
"Hay'adda wadahadalka bulshada Soomaaliyeed ee CCD waxay dalka ka shaqeynaysay 6-dii sano ee la soo dhaafay xili ay muqdisho iyo inta badan gobalada gacanta ku hayeen kooxaha nabadiidka, waxay hay'adda ku dhiiratay in shacabka wacyi geliso, iyadoo degmooyinka gobalka banaadir intooda badan ay gacanta ku hayaan Al-Shabaab ay shacabka Soomaaliyeed oo baqdin xoogan ka qabeen oo aysan jirin cid wax ka sheegi karta hagardaamada ay Shababka ku hayeen umada somaliyeed"ayuu yiri Gudoomiye Ciise Axmed Cumar.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in sanadkii 2007-dii ilaa 2009-kii uu dalka xaalad adag ka jiray ay qabteen siminaaro iyo barnaamijyada wacyi gelinta oo ay ku qabteen magaalada Muqdisho.
"Waxaan bilownay inaan si cad siminaaro ugu qabano magaalada muqdisho oo dadkii aan barnaamijyada wacyi gelinta ku bilownay ay ahaayeen kuwa aan hadli karin fikirkoodana aan ka dhiiban karin siminaarada, iyagoo qaarkood waraaqaha wajiyada dul saaran jiray"ayuu yiri Ciise Axmed Cumar.
Waxaa uu sheegay in Hey'adda ku guuleysatay inay ballaariso barnaamijyada wacyi gelinta, isla markaana siminaaro u qabatay Odayaasha dhaqanka, ururada bulshada rayidka, ururada haweenka iyo dhalinyarada, si ay u xoojiyaan doorkooda ku aadan xoojinta amniga iyo horumarinta.
"Iyadoo magaalada Muqdisho aan lagu dhiiran karin in lagu qabto dibad bax ayaa hay'ada CCD u suurta gasha in banana bixii ugu horeeyay ee ka dhaca wadanka Soomaaliya Waxaa dibad baxa isugu soo baxay boqolaal shacab ah oo watay boorar ay ku qornaayeen halku dhigyo ka dhan ah al-shabab oo barxad Tiyaatarka qaranka ku gubay maro madow oo u eg calanka shabaab si shacabka ay u muujiyaan naceybka ay u qabaan Al-shabab"ayuu yiri Gudoomiye Ciise.
Waxaa uu uga mahad celiyay Maamulka Gobolka Banaadir iyo Gudoomiyeyaasha degmooyinka, saraakiisha ciidamada oo wax weyn kala qabtay howlihii ay bulshada u qabanayeen, ayna gacan ka siiyeen sugida amniga.
Gudoomiye Ciise ayaa sheegay in intii uu socday howl galada ay degmo kasta oo ku yaal Gobolka Banaadir ee laga saaro Al-Shabaab ku qabanayeen siminaaro wacyi gelin iyo nabada la xiriiray, waxaana tusaale ahaan u soo qaatay degmooyinka Boondheere, Yaaqshiid, Warta Nabada, H/wadaag, Huriwaa, Kaaraan, Shibis iyo degmooyin kale.
Waxaa uu sheegay in deegaanada gobolada dalka iyo degmo kasta oo ay la wareegeen ciidamada dowladda iyo kuwa Amisom ay ku qaban jireen kulamo, siminaaro iyo dood cilmiyeedyo.
"Waxaana bilownay inaan tagno deegaanada iyo gobalada dalka iyo degmo kasta oo ay la wareegaan ciidamada dowlada iyo kuwa Amisom xilli deeganada qaar ay ku harharsanaayeen Al-shabaab, waxaa ugu horeysay Afgooye oo aan siminaaro ku soo qabanay maalmo kadib markii dowladda la wareegtay, iyadoo ay Shabaab ay jidka dadka ugu galayeen deegaanka carbiska, waxaan siminaar ku qabanay Balcad, Jowhar, Marka, Baydhabo, Beledweyn iyo Beledxaawo, waxaana u qabanay barnaamijyadaas si aan bulshada u wacyi gelino, una dhiira gelino"ayuu yiri Gudoomiye Ciise Axmed Cumar.
Waxaa uu kaloo sheegay in barnaamijyadii wacyi gelinta iyo siminaaradii ay u qabanayeen bulshada ay bar bar socdeen Tartamo isboorti oo is dhex galka bulshada oo ay u qabanayeen dhalinyarada degmooyinka, ayna gudoonsiiyeen qalab isboorti iyo maaliyado.
Gudoomiyaha Hey'adda wada hadalka bulshada ayaa sheegay in hadafka ay hiigsaneyso 2014-2016 ay tahay sidii dalka u gaari lahaa nabad iyo doorasho, isagoo xusay inay haboon tahay in lala yimaado wadaniyad dhab ah.
"Aan isweydiino waa maxay wadaniyad? Waddaniyad waa dareen ay ku dheehantahay dal jacayl, dad jacayl iyo u daacad noqosho Dalkaaga iyo dadkaagaba , adigoo rumaysan kuna kalsoon in aad ku taagan tahay wadadii saxda ahayd, ayna tahay wixii ugu fiicnaa oo ku dhaqaaqi lahayd xiligaas, Hadaba sifooyinkaas iyo qaar kale qofkii laga helaa waxay uu noqonayaa qof Waddani ah"ayuu yiri Ciise Axmed Cumar.
Munaasabada ayaa waxaa xubnihii ka qeyb galay oo ka hadlay ay sheegeen in waxbqadka Hey'adda CCD ay tahay mid aan la soo koobi karin, waxaana ay bogaadiyeen waxqabadkii lixda sano.
Waxqabadka Hey'adda CCD oo Muqdisho lagu soo bandhigay kuna guuleysatay howlo adag + Sawirro
Munaasabad ballaaran oo lagu soo bandhigayay Waxqabadka Hey'adda Wada hadalka bulshada ee CCD mudadii lixda sano ee ay jirtay ayaa maanta lagu qabtay Hotelka City Palace ee magaalada Muqdisho.