Real Madrid oo Ugu dambeen usoo gudubtay Semi-finalka Champions League.

0
Tuesday April 08, 2014 - 23:41:22 in Sports by Web Admin
  • Visits: 1802
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Real Madrid oo Ugu dambeen usoo gudubtay Semi-finalka Champions League.

    Real Madrid ayaa ku soo baxday si wadno kurkur leh ka dib markii ay wadar ahaan semi-finalka Champions League ugu soo gudbeen 3-2 madaama lugtii labaad ee caawa ka dhacday Signal Iduna Park ay 2-0 ku badisay Borussia Dortmund.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Real Madrid ayaa ku soo baxday si wadno kurkur leh ka dib markii ay wadar ahaan semi-finalka Champions League ugu soo gudbeen 3-2 madaama lugtii labaad ee caawa ka dhacday Signal Iduna Park ay 2-0 ku badisay Borussia Dortmund.
Fursadii ugu horeysay ee ciyaarta waxaa heshay Real Madrid markii rigoore loo dhigay ka dib markii Lukasz Piszczek.

Rigoorada waxaa u soo istaagay daqiiqadii 17aad Di Maria kaasoo kufay markii ay kubada lugtiisa ka baxeysay waxaana ay keentay in goolhaye Roman Weidenfeller uu si sahlan uga badbaadiyo.

Labo daqiiqo ka dib Dortmund ayaa heshay fursad qaali ah oo ay hogaanka ku qaban kareen, Lewandowski ayaa kubad ku helay dhanka bidix waxa uu u dhigay Reus, taasoo u saamaxday inuu u dhigo Mkhitaryan kaasoo goolka u furnaa laakiin waa uu hareermariyay.

Dortmund ayaana hogaanka qabatay daqiiqadii 24aad markii Pepe uu kubad madax ah dhiibtay taasoo u saamaxday Reus inuu kubada la maro Casillas islamarkaana uu shabaqa ku hubsado.

 
Daqiiqadii 33aad Reus ayaa karoos uu soo dhigay waxaa madax la helay Hummels laakiin waxaa si fantastik ah uga badbaadiyay Casillas.

Dortmund ayaana rajadeeda si wacan u soo nooleysay markii ay dhaliyeen goolka labaad daqiiqadii 37aad ee ciyaarta markii kubad ay si sahlan isaga dhiibtay Real Madrid lagu ciqaabay, Lewandowski ayaa kubad ay birta kaga dhacday waxaana kubadii soo laabatay shabaqa cusjiyay Reus oo ay u aheyd goolkiisii labaad.

Daqiiqadii 60aad ee ciyaarta Bale ayaa u dhawaaday inuu gool u dhaliyo Madrid, laakiin shan daqiiqo ka dib Dortmund ayaa ku sigatay inay barbaro ka dhigto wareegaan, markii Mkhitaryan uu kubad birta ku dhuftay taasoo ka nixisay kooxda martida aheyd.

Waxaana ay ciyaarta ku soo dhamaatay 2-0 oo ay Dortmund ku badisay laakiin Real Madrid ayaa u soo baxday semi-finalka Champions League madaaama ay wadar ahaan ku badiyeen 3-2.

 
Laacib.net
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip