Bayern Munich oo dar dartay Man U. una soo gudubtay Semi Final

0
Wednesday April 09, 2014 - 23:47:32 in Sports by Web Admin
  • Visits: 2286
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Bayern Munich oo dar dartay Man U. una soo gudubtay Semi Final

    Bayern Munich ayaa iska xaadirisay wareega afar dhamaadka Champions League ka dib markii ay 3-1 ku dubteen lugta labaad ee wareega 8da kooxda Manchester United oo marti ugu aheyd Allainz Arena, taasoo ka dhigeysa inay wadar ahaan labada lug kaga badi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Bayern Munich ayaa iska xaadirisay wareega afar dhamaadka Champions League ka dib markii ay 3-1 ku dubteen lugta labaad ee wareega 8da kooxda Manchester United oo marti ugu aheyd Allainz Arena, taasoo ka dhigeysa inay wadar ahaan labada lug kaga badiyeen 4-1.
Rooney ayaa taam u noqday inuu kulankaan ku soo bilowdo halka Gotze iyo Dante ay bedel u noqdeen Javi Martinez iyo Shcwienestiger oo ganaax ku seegay kulankaan.

Labada kooxood ayaana barbaro goolal la’aan ah ku kala nastay qeybtii hore iyadoo ciyaarta ay aheyd mid hal dhinac ka socotay islamarkaana kubada inteeda badan ay iska heysatay Bayern Munich halka Man United ay si wacan u difaacanayeen.

Laakiin midkoodna labada kooxood ma aysan abuurin fursad loo filan karay goolal inkastoo Bayern ay weerar badneyd.

Qeybtii labaad ee ciyaarta ayayse wax iska bedeshay natiijada ciyaarta, markii Manchester United ay hogaanka u qabatay ciyaarta daqiiqadii 57aad iyadoo karoos fiican uu soo dhigay Valencia uu kubad gantaal ah meel kore oo xagal ah uu ka geliyay Patrice Evra.

Laakiin farxadii Red Devils ma aysan waarin hal daaqiiqad ka dib markii Mario Mandzukic uu ka soo hormaray Evra islamarkaana uu madax ku barbareeyay ciyaarta.

Bayern Munich ayaana hogaanka ciyaarta qabatay markii ugu horeysay daqiiqadii 68aad markii kubad uu soo dhigay Arjen Robben uu shabaqa ku taabtay Thomas Muller taasoo ciyaarta ka dhigtay 2-1 oo ay kooxda martida aheyd hogaanka ku heysay.

Arjen Robben ayaana ciyaarta hurdo u diray daqiiqadii 76aad ee ciyaarta markii uu xiddiga reer Holland iska soo dhexmaray daafacyada Man United islamarkaana uu kubada dabamariyay goolhaye De Gea.

Waxaana ay ciyaarta ku soo dhamaatay 3-1 oo ay Bayern Munich ugu awood-sheegatay Manchester United, waxaana ay taasi ka dhigan tahay in kooxda difaacaneysa koobkaan ay ku soo baxday wadar ahaan 4-2.

Bayern Munich ayaana wareega afar dhamaadka kula biireysa kooxaha Real Madrid, Chelsea iyo Atletico Madrid.
Source: Laacib
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip