Atletico Madrid Oo Cashar U Dhigtay Chelsea Una Soo Baxday Finalka Champions League.

0
Wednesday April 30, 2014 - 23:51:18 in Sports by Web Admin
  • Visits: 2328
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Atletico Madrid Oo Cashar U Dhigtay Chelsea Una Soo Baxday Finalka Champions League.

    Atletico Madrid ayaa si taariikhi ah ugu soo baxday Champions League ka dib markii ay cashar lama ilaawaan ah u dhigtay Chelsea oo marti loogu ahaa Stamford Bridge lugta labaad ee semi-finalka Champions League iyagoo ku dubtay 3-1.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Atletico Madrid ayaa si taariikhi ah ugu soo baxday Champions League ka dib markii ay cashar lama ilaawaan ah u dhigtay Chelsea oo marti loogu ahaa Stamford Bridge lugta labaad ee semi-finalka Champions League iyagoo ku dubtay 3-1.

BmfwztJCYAAG5fz

Tababaraha Chelsea Jose Mourinho ayaa ku soo bilaabay Azpilicueta oo ka ciyaarayay garab halka Cole iyo Ivanovic ay garabyo daafac ahaayeen. Hazard ayaa isna ku soo laabtay line-upka Chelsea.

Ciyaarta ayaana ku bilaabatay si adag iyadoo labada kooxood ay ciyaarayeen kubado adag oo aan inta badan aan noqonin weeraro halis ah, marka laga reebo kubad ay qeybihii hore ee ciyaarta Atletico Madrid birta ku dhufatay.

Chelsea ayaana ciyaarta hogaanka u qabatay daqiiqadii 37aad markii shaqo fiican oo uu Willian ka soo qabtay dhanka midig uu kubad u dhigay Azpilicueta kaasoo isna u sii dhiibay Fernando Torres oo shabaqa ka soo taabtay kooxdiisa hore.

El Nino ayaana doorbiday inuusan u dabaaldegin goolkaas si uu u muujiyo ixtiraamka uu weli u hayo kooxdii uu ku soo baxay ee Atletico.

Bmfnx0NCMAAl4nO

Atletico ayaase barbareysay iyadoo daqiiqad ay ka dhiman tahay qeybta hore ee ciyaarta, Tiago ayaa karoos soo dhigay, waxaa soo celiyay kubada Juanfran iyadoo Adrian Lopez uu kubada dhulka ugu garaacay goolhaye Schwarzer isna shabaqa hulhuleel u gashay.

Waxaana qeybtii hore ee ciyaarta lagu kala nastay barbaro 1-1 ah taasoo dan ay ugu jirtay Atletico marka loo fiiriyo sharciga goolasha martida.

Qeybtii labaad ee ciyaarta Mourinho ayaa isku dayay inuu shaxdiisa wax ka bedelo waxaana uu soo geliyay Samuel Eto’o kaasoo bedelay Cole. Halka goolhaye Courtois uu kubad madax halis ah ka badbaadiyay kabtan John Terry.

Laakiin xiddiga reer Cameroon Eto’o daqiiqado yar uu garoonka ku jiray ka dib waxa uu qalad ku galay Costa xerada goolka dhexdiisa taasoo keentay in rigoore laga dhigo Atletico Madrid.

 

BmfweDrCMAELfJP

Waxaana rigoorada u soo istaagay Diego Costa kaasoo toos toosin badan oo kubada ah uu ku muteystay jaale ka hor inta uusan kubada meel kore ka gelinin shabaqa islamarkaana uusan goolhaye Schwarzer dhan qaldan u dirin, waxaana ay taasi ciyaarta ka dhigtay 2-1 oo ay Atletico Madrid hogaanka ku heysay.

Chelsea ayaana u dhawaatay inay barbareyso markii laad xor ah uu soo tuuray Willian uu madax la helay David Luiz waxa ay ku dhacday birta ka hor inta uusan faraha foodooda ku bixinin goolhaye Courtios.

Atletico Madrid ayaana ciyaarta hurdo u dirtay daqiiqadii 71aad markii Juanfran uu karoos ka soo celiyay dhanka midig iyadoo Arda Turan uu madax la helay waxaa ka soo beenisay birta laakiin waxaa uu ka faa’ideystay ku celiskii isagoo shabaqa dhinac ka geliyay.

BmfoTuACAAAoZMi

Waxaana ay taasi ciyaarta ka dhigtay 3-1 oo ay Atletico Madrid hogaanka ku heysay, iyagoo ciyaarta ka heystay kooxda martida loo ahaa ee Chelsea oo garoonkeeda ka noqotay marti.

Courtios ayaana fursad qaali ah dhamaadkii ciyaarta ka beeniyay kooxda milkiyadiisa leh isagoo kubad lugaha ka bixiyay Hazard.

Waxaana ay ciyaarta ku soo dhamaatay natiijadaas iyadoo Atletico Madrid ay iska xaadirisay finalka Champions League, waxaana ay Lisbon kuwada ciyaari doonaan kooxda ay isku magaalada yihiin ee Real Madrid oo xalayto iyadana soo xaqiijisatay finalka ka dib markii ay soo garaaceen Bayern Munich.


laacib.net

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip