Atletico Madrid Oo Dardartay Barcelona Una Soo Baxday Semi-finalka Champions League.

0
Wednesday April 09, 2014 - 23:49:32 in Sports by Web Admin
  • Visits: 2001
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Atletico Madrid Oo Dardartay Barcelona Una Soo Baxday Semi-finalka Champions League.

    Atletico Madrid ayaa si taariikhi ah ugu soo baxday semi-finalka Champions League ka dib markii ay 1-0 ku suuldaareen kooxda Barcelona lugta labaad ee wareega 8da Champions League oo ka dhacday garoonkeeda Vicente Calderon, taasoo ka dhigan inay Atel

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Atletico Madrid ayaa si taariikhi ah ugu soo baxday semi-finalka Champions League ka dib markii ay 1-0 ku suuldaareen kooxda Barcelona lugta labaad ee wareega 8da Champions League oo ka dhacday garoonkeeda Vicente Calderon, taasoo ka dhigan inay Ateltico ku soo baxday wadar ahaan labada lug guul 2-1 ah.
Atletico Madrid ayay ku qaadatay kaliya shan daqiiqo inay hogaanka u qabato ciyaarta, Lopez ayaa darbo xoogan birta ku dhuftay ka hor inta aysan kubada lugta u galin David Villa kaasoo karoos uu soo dhigay madaxa u saaray Garcia, waxaana kubadii madaxa aheyd shabaqa ku taabtay Koke.

Goolkaas ayaana ahaa goolkii ugu dhaqsiyaha badnaa ee xilli ciyaareedkan laga dhaliyay Barcelona koobka Champions League.

Atletico Madrid ayaana ku dhawaatay inay hesho goolka labaad laakiin David Villa ayaa arka darbadiisa oo birta ay soo beenisay ka dib kubad dhex bixis fiican uu ka helay Koke daqiiqadii 11aad.

Daqiiqadii ku xigtay Barcelona ayay fursad soo martay iyadoo karoos cajiib ah uu soo dhigay Dani Alves uu madax la helay Messi laakiin waxa uu hareer mariyay goolka.

Atletico oo argagax ku riday daafaca Barcelona ayaa mar kale heshay fursad gool loo fishay mar seddexaad 19 daqiiqo gudaheed ayayna kubada birta ka soo beenisay markii Villa uu mar kale birta u garaacay Barcelona waxaana ay aheyd markii labaad ee Villa ay kubad birta ka beeniso.

Daqiiqadii 22aad Neymar ayaa si farsamo leh kubad uga soo dhex qaatay Tiago isagoo tuundheer qurux badan ka saaray ka hor inta uusan kubada u dhigin Messi kaasoo isna goolka hareermariyay.

Dhamaadkii qeybtii hore labada kooxood ayaa rigoore ku dooday markii hore waxa uu ahaa Adrian kaasoo ku andacooday inuu qalad ku galay Mascherano, ka dibna waxa uu ahaa Fabregas kaasoo isna ku dooday in Godin uu qalad ku galay laakiin garsoore Howad Webb dheg uma uusan dhigin.

Qeybtii labaad bilowgeedii Xavi ayaa fursad ka qasaariyay Barcelona halka Diego Ripas iyo Gabi ay u soo dhawaadeen iyagana inay hogaanka u sii dheereeyaan Atletico Madrid.

Halka garsoore Howard Webb uu rigoore kale ka diiday Atletico Madrid ka dib markii Mascherano uu qalad ku galay David Villa.

Waxaana ay ciyaarta ku soo dhamaatay 1-0 oo ay guusha ku raacday Atletico Madrid, taasoo ka dhigan inay ku soo baxeen guul 2-1 ah oo ay wadar ahaan ka gaareen Barcelona oo lagu reebay wareega 8da Champions League.

Atletico Madrid ayaana wareega afar dhamaadka kula biirtay Bayern Munich, Real Madrid iyo Chelsea waxaana isku aadka la qaban doonaa maalinta jimcaha.

Source: laacib
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip