Hordhac: Liverpool v Chelsea – Kulan Muhim Weyn U Ah Hanashada Horyaalka Oo Maanta Ka Dhacaya Anfield.

0
Sunday April 27, 2014 - 08:54:40 in Sports by Web Admin
  • Visits: 1808
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hordhac: Liverpool v Chelsea – Kulan Muhim Weyn U Ah Hanashada Horyaalka Oo Maanta Ka Dhacaya Anfield.

    Kulanka: Liverpool v Chelsea Garoonka: Anfield Waqtiga: 4:05pm Saacada Geeska Afrika Kooxda keydka Chelsea ayaa la filayaa inay Liverpool tagaan maanta iyadoo kooxda martigelineysa ay hamineyso inay hal gacan ku xajisato hanashada horyaalka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kulanka: Liverpool v Chelsea Garoonka: Anfield Waqtiga: 4:05pm Saacada Geeska Afrika Kooxda keydka Chelsea ayaa la filayaa inay Liverpool tagaan maanta iyadoo kooxda martigelineysa ay hamineyso inay hal gacan ku xajisato hanashada horyaalka Premier League.

Kooxda hogaanka heysa ee Liverpool ayaa ka warqabta in guushoodii 12aad oo isku xigta inay meesha ka saari doonto kooxda Jose Mourinho oo shan dhibcood ka hooseeya iyaga kuna jira kaalinta labaad iyadoo seddex kulan kaliya ay ka harsan tahay tartanka horyaalka.

Kooxda kaalinta 3aad ee Manchester City ayaa hal dhibic ka sii danbeysa Chelsea, laakiin waxaa u harsan hal kulan, waxaana ay rajeynayaan in kooxda Bredan Rodgers ay sibxato maanta.

Inkastoo Chelsea ay baahi weyn u qabto dhico, Mourinho ayaa soo jeediyay inuu si weyn wax uga bedeli doono line-upkiisa isagoo muhiimada siinaya lugta labaad ee semi-finalka Champions League oo ay isbuuca danbe la ciyaarayaan Atletico Madrid.

MAXAA KA CUSUB?

Weeraryahanka Liverpool Daniel Sturridge ayaa xaaladiisa caafimaad la qiimeyn doonaa waxaana laga yaabaa inuu line-upka ka bedelo Lucas Leiva maanta.

Xiddiga amaahda ku jooga Victor Moses ayaan ka horimaan karin kooxda iska leh ee Chelsea halka Jordan Henderson uu ganaax ku maqan yahay.

 Chelsea ayaa laga yaabaa inay magacowdo koox tababar yar iyagoo maanka ku haya kulanka semi-finalka Champions League ee isbuuca soo socda.

Petr Cech iyo John Terry ayaa dhaawac ku maqan, halka Ramires uu ganaax u bilaabanayo.

Tababaraha Chelsea Jose Mourinho ayaa Liverpool ugu safray si gooni ka ah kooxdiisa madaama uusan caafimaad ahaan fiicneyn.

LINE-UPKA MACQUULKA AH:

Liverpool:Mignolet; Johnson, Skrtel, Agger, Flanagan; Gerrard; Allen, Coutinho, Sterling; Sturridge, Suarez.

Chelsea:Schwarzer; Azpilicueta, Ivanovic, Kalas, Ake; John Obi Mikel, Matic; Schurrle, Lampard, Salah; Demba Ba.

MA OGTAHAY?

Liverpool ayaa badisay 13 ka mid ah 21 kulan oo Premier League ah oo ay Chelsea kula ciyaareen Anfield, afar waxaa badisay Chelsea halka afar kulan kale ay barbaro galeen.

Chelsea ayaa badisay kaliya sagaal ka mid ah guud ahaan 70kii kulan ee horyaalka ee ay Liverpool martida u noqdeen, Liverpool ayaa mudadaas badisay 46 kulan halka 15 kulan ay barbaro galeen.


Laacib.net

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip