Mudug Maahan Muqdisho Alow Mudduloodka Miir u yeel !

0
Saturday May 10, 2014 - 12:08:09 in Wararka by Web Admin
  • Visits: 1979
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mudug Maahan Muqdisho Alow Mudduloodka Miir u yeel !

    Kuwa sheegta xildhibaanada Federaalka oo u soo tafa xeeytay in aay Muqdisho ku celiyaan mugdigii aay soo martay waxaan leenaha waxaad damacsan tihiin cidwalbaa waa fahmi kartaa,walow inta maangaabka ah ee lagu awoorkacsanaayo aay leeyihiin hadaf gura

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kuwa sheegta xildhibaanada Federaalka oo u soo tafa xeeytay in aay Muqdisho ku celiyaan mugdigii aay soo martay waxaan leenaha waxaad damacsan tihiin cidwalbaa waa fahmi kartaa,walow inta maangaabka ah ee lagu awoorkacsanaayo aay leeyihiin hadaf guracan oo aanan dhab noqon karin,xildhibaanada Muduloodka kaga jira baarlamaanka federaalka waxaa aay noqdeen kuwa aanan laheeyn aragti fog si umada aay ka dhasheen uga baxaan dhibkii aay soo mareen,waxeey siyaasadooda dhaafi weeyday maxaan cunaa ???

Ma laha hadaf iyo ujeedo ka fog mida eey maanta kula midoobeen kuwa shacabkooda iyo dhilkooda xasiliyay una jooga Muqdisho
in aay dib ugu celiyaan dagaalkii foosha xumaa ayaga oo aay ujeedkooda yahay in shacabka Muqdisho ku nool in uusan marana madax kor u soo kicin,

waxaa taasi ka sii daran xildhibaanada ka yimid gobolada xasilooni in aayan daqli soo gelin Muqdisho balse aay dhuuqaan dhiiga iyo xaqa reer Muqdisho,waxaan talo ujeedin lahaa shacabka,siyaasiyiinta iyo indheergaradka reer Muqdisho in aay Godoomiha iyo Duqa Muqdisho ku qasbaan in uu ka hortago xildhibaanada Muqdisho la damacsan Mugdiga,Burburka iyo horumar laįanta,Xildhibaanada Muddulood xaqiiqdii ma matalaan
shacabka Muddulood balse waxaa aay matalaan dhuuntooda marba haddii aay hadaf wadaag noqdeen kuwa burburka la damacsan Muqdisho.
Muungaab waxaan leenahay waa in uu qaadaa talaabooyinka soo socda:

1.Shacabka Muqdisho degeni waa in uu u kacaa kagana hortaga burburka lala damacsan yahay banaanbaxyo waa-weeyn oo lagu muujinaayo horumarka Muqdisho kuwa diidani xiligaan in laga eryo Muqdisho dibna ugu noqdaan goboladii aay ka yimaadeen,waa in la burburiyaa hantida xoolaha aay Xamar ku leeyihiin kuwa xildhbaanada Muddulood ah ee ku hadafka noqday xildhibaanda ujeedkooda yahay in Muqdisho Mugdi aay gasho .

2.La xisaabtan dowlada dhexe xildhibaanada ka jooga Muqdisho sida haddii mushaarkooda Muqdisho uu ka yimaado ( Dekeda & Airporka & Canshuurta reer Muqdisho ) waxaa waajib ahin mushaarkooda laga keeno gobolada aay ka soo jeedaan,kuwa parasit ah ama dulinka ku nool dhiiga umada aayan matalin waxaa quman in lagu wargeliyo in mushaarkooda ka yimaado gobolada aay matalaan.

3.Muqdisho waa in loo dhameeystiraa Poliska,NSS iyo kuwa degaanka si looga gudbo isqabqabsiga dowlada dhexe haddii R/waasre iyo xildhibaano is qabqabsanaya la arkaa in howsha aayan dib u dhicin.

4.Muungaab masuulka ugu sareeya Muqdisho waxaa qalad ah in shirar lagu duminayo dowlada dhexe in uusan ogolaan cidwalba oo rabtaa in aay shir qabsato waa in aay soo maraan hayadaha amniga ee gobolka Banaadir maadaama G.Banaadir masuulka ugu sareeyo uu yahay ninka masuulka ah waxii dhib ah ee ka yimaado Muqdisho,xildhibaadawaa in aay ku shiraan hoolka baarlamaanka kaas ah meesha loogu talo galay in lagu shiro not Hotel.

5.Muungaab oo in uu u yeeraa xildhibaanada matala Muqdisho asaga oo kala tashanaayo taaloobinka siyaasadeed
iyo sidii Muqdisho aanan dib loogu celin laheeyn dagaal iyo nabad daro,sabbabta oo ah shacabka Muqdisho
waxaa ma tala Muungaab asagaana looga fadhiyaa difaaca waxaa qalqalgelin kara nabada iyo horumarka socda.

6.H/gidir kuwa kaga jira baarlamaanka federaalka waxaan dhihi lahaa waxaa daba haysaan xarigii halaaga iyo burburka
qaata nabada midooba duliga iska qaada,maanta dadka ugu dulisan waa isdinka sabbabta oo ah gobolada dhexe
ayaad dayacdeen in aad mideeysaan umada aad ka dhalteen,waxaad doorbideen Galmudug iyo Xubin iyo Xeeb in aay yihiin dowlad goboleed balse dowlada dhexe diiday aqoonsiga degmooyinka is diidani,xagee u socotaan yaa inka hortaagan

G.dhexe mideeynteeda,talo xumo waa taa meesha idin dhigtay,Madaxweeyne Xassan yaa isiinkaaga roon ?? Xidh.Cagaweeyne
waxuu siyaasada soo galay xiligii maxaakiinta,waxuu Galmudug ka noqday wasirr maantana waa xildhibaan hadafka ugu weeyn ee
uu leeyahay waa shacabka Muqdisho dib ugu celiyo halaagii aay soo mareen ,waa midka diidan midnimada G.dhexe shacuubta
degani.Muungaab waxaa looga fadhiyaa in uu magacaabo taliyahay Poliska G.Banaadir hogaankii garsoorka G.Banaadir Taliahaya
Nabadsugida G.Banaadirweli inta uu xilka qabtay maxkamad lama soo taagin kuwa falalka danbi ah ka geeystay G:banaadir xilka
waxaa loo qabtaa inaad xurmo iyo sharaf kor ugu qaado umada aad masuuliyada u qaaday.waxaan suganaa waa waxqabasho.
 

Socon meeyso teeyda ( Gobolkeeyga ) nabad iyo baraare ha gaaro midka Muqdishana burbur ayaa ku wanaagsan,waxaan jecelnahay in xildhibaanada shaqadooda la cadeeyo ,maaha Hotel ayaan Xamar kaga jiraayaa markii aan jaad waayane waxaan abuurayaa mooshin iwm xildhibaanka shaqadiisa waa u kuurgelida hab u socodka dowlada iyo xiriirka shacabka aay matalaan in xaqii dowlada ku laheeyd la gaarsiiyay ?

Xassan Abshir,Maxed Cabdi Yususf iyo Cali Galeeyr oo la ogyahay waxa aay Muqdisho u joogaan in aay tahay burburka reer Muqdisho halka Abdi Barre Yusuf Jibril,Abdirashid Mohamed Hidig,Abdiwahab Ugas Husen Ugas Khalif aay yihiin kuwa ka soo jeeda walwaal iyo wardheer hadafka aay xildhibaanimada ku heleeyne aay tahay burburka Somali iyo u adeega Ethiopia,ka saara Muqdisho kuwa diidan soo celinta Qaranimada Somalia.

Mudug Maahan Muqdisho Alow Mudduloodka Miir u yeel !

Dr.Ali.A.Hirabe Hirabe_a@hotmail.com


Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip