Yaya Toure oo lagu Wado inuu Muqdisho Yimaado , Hadii

0
Saturday May 10, 2014 - 16:03:09 in Sports by Web Admin
  • Visits: 4838
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Yaya Toure oo lagu Wado inuu Muqdisho Yimaado , Hadii

    Laacibka sare Yaxye Ture oo u ciyaara Kooxda Manchester City una dhashay dalka Eerey Cost ayaa markii ugu horeysay sheegay inuu diyaar u yahay inuu booqasho ku yimaado Soomaaliya gaar ahaan caasimada dalka ee Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Laacibka sare Yaxye Ture oo u ciyaara Kooxda Manchester City una dhashay dalka Eerey Cost ayaa markii ugu horeysay sheegay inuu diyaar u yahay inuu booqasho ku yimaado Soomaaliya gaar ahaan caasimada dalka ee Muqdisho.


Sida ay sheegtay Idaacada Kulmiye laacibkaan laacib Yaxye Ture ayaa Nayroobi dhawaan u yimid ka qeybgalka barnaamij ku saabsanaa ka hortaga kaganacsiga faanta Maroodiga waxaana wax laga weydiiyay inuu tagayo Muqdisho madaama ay ku sugan yihiin dad badan oo taageera isaga.

Ture wuxuu sheegay inuu jeclaan lahaa inuu tago Soomaaliya islamarkaana uu yahay ruux muslin ah wax cabsi ahna uusan ka qabin Soomaaliya,balse shuruud ayuu ku xirey taasoo ah inay marka hore FIFA aqbasho tagitaankiisa Soomaaliya.

yahya

"aniga wax cabsi ah kama qabo amaanka Soomaaliya waana dad muslimiin ah aniga waxaan ahay qof muslim ah laakiin waxaa dhowrayaa shuruucda FIFA oo dhigaya inay aqbalaan booqashada dalalka Soomaaliya oo kale ah”ayuu yiri Yaxye Ture.

Sida idaacadu sheegtay waxaa qorshuhu yahay inay Yaxye Tuure soo raacaan Soomaaliya Drogba iyo walaalkiis Cola Ture marka ay FIFA aqbasho iyagoo garoonka diyaaradaha kula kulmi doona ciyaartoyda Soomaaliya qaarkood.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip