War Culus oo kasoo baxay Gudoomiyayaashi Hore ee Degmooyinka G/Banaadir

0
Sunday May 18, 2014 - 17:03:21 in Wararka by Web Admin
  • Visits: 839
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    War Culus oo kasoo baxay Gudoomiyayaashi Hore ee Degmooyinka G/Banaadir

    Gudoomiye-yaashii hore ee Degmooyinka Gobolka Banaadir, ayaa waxay sheegeen inaanay hubka dhigi doonin, ka gadaal markii Wasiirka Amniga Qaranka C/kariin Xuseen Guuleed, la sheegay in uu sidaa amray.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gudoomiye-yaashii hore ee Degmooyinka Gobolka Banaadir, ayaa waxay sheegeen inaanay hubka dhigi doonin, ka gadaal markii Wasiirka Amniga Qaranka C/kariin Xuseen Guuleed, la sheegay in uu sidaa amray.


Gudoomiye-yaashii hore ee Degmooyinka Hodan iyo Wadajir oo shir jaraa'id ku qabtay Magaalada Muqdisho, ayaa waxay sheegeen inaanay suurta gal ahayn in waqtigaan la jooggo, hub ka dhigis lagu sameeyo.

Cabdi Maxamuud Warsame (Dhabaney), Gudoomiyihii hore ee Degmada Hodan, ayaa wuxuu sheegay inay ka xun yihiin in la amro hub ka dhigis oo lagu sameeyo, xilli uu sheegay in ay isaga difaacayaan Al Shabaab.

Waaliga Gobolka Banaadir ee Al Shabaab Sheekh Cali Maxamed Xuseen (Cali Jabal), ayaa laba toddobaad ka hor ku goodiyay in ay cagta marin doonaan Gudoomiye-yaashii xilalka laga xayuubiyay.

Axmed Xasan Cadow (Axmed Daaci), Gudoomiyihii hore ee Degmada Wadajir, ayaa wuxuu si xoogan uu u dhaleeceeyay tallaabada lagu amray in hub ka dhigis lagu sameeyo, xilli uu xusay in ay u nugul yihiin Shabaabka.

Axmed Daaci, ayaa sheegay inaanay diyaar u ahayn in xilligaan ay hubka iska wareejiyaan, isla-markaana ay hubka ku difaacanayaan naftooda, bacdamaa ay weeraro kaga imaan karaan Shabaabka.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip