Farqiga Dhaqaale Ee Udhaxeeyo: Real Madrid 521M Iyo Atletico Madrid 79M.

0
Saturday May 24, 2014 - 13:31:09 in Wararka by Web Admin
  • Visits: 3405
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Farqiga Dhaqaale Ee Udhaxeeyo: Real Madrid 521M Iyo Atletico Madrid 79M.

    Waa dagaal udhexeeyo saboolka iyo taajiriinta, farqiga saaidka uweyn ayaa muujinaayo dadaalka ay Real Madrid suuqa kubixisay, malaha Champions League laftirkiisa majoogo qiimahaas, oo seddex mar ayey gadan kartay, ugu yaraan lix jeer ayey kusoo jibaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waa dagaal udhexeeyo saboolka iyo taajiriinta, farqiga saaidka uweyn ayaa muujinaayo dadaalka ay Real Madrid suuqa kubixisay, malaha Champions League laftirkiisa majoogo qiimahaas, oo seddex mar ayey gadan kartay, ugu yaraan lix jeer ayey kusoo jibaarmaan ciyaartoyda Real Madrid kuwa kale ee maantay laciyaarayo, badi ciyaartoyda Atletico Madrid waa kuwo ay iskasoo fasaxeen kooxo kale.


Tiago ciyaaryahanka khadka dhexe ee Atletico Madrid waxa uu hore ugu ciyaari jiray kooxda Chelsea ee galbeedka London, halka David Villa ay xilli ciyaareedkii hore ay ka maarantay kooxda Barcelona, Atletico ayaa qiimo yar kulasoo saxiixatay.

Fiiri goolhayaha xiddiga ee ay heystaan oo umuuqday mid kamid ah tiirarka guusha ee Atletico Madrid, kaliya waxa uu ugu fadhiyaa lacag kayar 6 Milion isagoo laqaaday Europa League, Super Cup, Copa Del Rey, La Liga, iyo markaan uu soo gaarsiiyey Final ka Champions League.

Dhanka kale Real Madrid 12 sano waxey u aheyd mid laga guranayey lacagta, iyaguna waxa ay raadinayeen Le Decima, Daily Mail waxey kuqiyaastay lacagta Real uga baxday ciyaartoyda taniyo markii ugu danbeesay ee Final timaado inay kabadan tahay Hal Bilion, lagasoo bilaabo Luis Nazaro De Lima Ronaldo illaa ciyaaryahankii ugu danbeeyay ee Real Lasoo saxiixato Casemiro.

Kooxda Diego Simeone isku celcelis ahaan maka badno 79.05 Milion, ciyaaryahanada ugu qaalisan ee kujiro kooxda Atletico Madrid waa Arda Turan iyo Raul Garcia oo min 13 Milion lagasoo bixiyey, waxaa kuso xigo Filippo Luis oo Deportivo La Coruna 12 looga gaday 2010 kii, weeraryahanka miisaanka yeeshay Diego Costa kaliya 2.5 Milion ayuu ugu fadhiyaa.

Si ay ahaataba David Villa ayey kalasoo wareegeen 5.1 Milion kooxda Barcelona, Diego Godin daafaca laga yaaban yahay kaliya 6 Milion ayey kulasoo saxiixdeen, balse farqiga udhexeeyo ciyaaryahana hadda uwada ciyaarayo labada koox waa 400 Milion oo ay Real Madrid ay dheer tahay kooxda Atletico Madrid.

410343

Side Real Madrid Uqarash Gareesay Hal Bilion 12Kii Sano Ee Final ka Kamaqneed?:

13/14
Gareth Bale (Tottenham) £85.3m, Asier Illarramendi (Sociedad) £34m, Isco (Malaga) £23m, Daniel Carvajal (Leverkusen) £5m, Casemiro (Sao Paulo) £4.8m = £152.1m

12/13
Luka Modric (Tottenham) £33m, Diego Lopez (Sevilla) £3m = £36m

 

11/12
Fabio Coentrao (Benfica) £26.4m, Nuri Sahin (Dortmund) £8m, Jose Callejon (Espanyol) £5.5m, Raphael Varane (Lens) £11.5m = £51.4m

10/11
Angel Di Maria (Benfica) £29m, Mesut Ozil (W Bremen) £16.4m, Sami Khedira (Stuttgart) £15.5m, Pedro Leon (Getafe) £8.1m, Ricardo Carvalho (Chelsea) £6.7m, Sergio Canales (Racing) £4m = £79.7m

09/10
Cristiano Ronaldo (Man Utd) £80m, Kaka (Milan) £56m, Xabi Alonso (Liverpool) £30m, Karim Benzema (Lyon) £28m, Raul Albiol (Valencia) £15m, Alvaro Negredo (Almeria) £5m, Estaban Granero (Getafe) £4.5m, Alvaro Arbeloa (Liverpool) £4.5m = £223m

Klaas-Jan Huntelaar (Ajax) £23.8m, Lassana Diarra (Portsmouth) £20m, Rafael van der Vaart (Hamburg) £13.4m, Ezequiel Garay (Racing Santander) £10m, Ruben De La Red (Getafe) £3.8m, Javi Garcia (Osasuna) £3.2m = £74.2m

07/08
Arjen Robben (Chelsea) £31m, Wesley Sneijder (Ajax) £25.7m, Pepe (Porto) £24m, Royston Drenthe (Feyenoord) £11.5m, Gabriel Heinze (Man Utd) £8m, Christoph Metzelder (Borussia Dortmund) Free, Javier Saviola (Barcelona) Free, Jerzy Dudek (Liverpool) Free = £100.2m

06/07
Mahamadou Diarra (Lyon) £22.8m, Gonzalo Higuain (River Plate) £18m, Fernando Gago (Boca Juniors) £15m, Ruud van Nistelrooy (Man Utd) £11m, Marcelo (Fluminese) £7.8m, Fabio Cannavaro (Juventus) £6.9m, Emerson (Juventus) £6.9m = £88.4m

05/06
Sergio Ramos (Sevilla) £23.7m, Robinho (Santos) £21m, Julio Baptista (Sevilla) £17.9m, Cicinho (Sao Paolo) £6m, Carlos Diogo (River Plate) £5m, Antonio Cassano (Roma) £4.2m, Pablo Garcia (Osasuna) £2.5m = £80.3

04/05
Walter Samuel (Roma) £20.2m, Jonathan Woodgate (Newcastle) £13.4m, Michael Owen (Liverpool) £8m, Thomas Gravesen (Everton) £2.5m = £44.1m

03/04
David Beckham (Man Utd) £30m = £30m

02/03
Ronaldo (Inter) £39.6m = £39.6m

Laacib.net
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip