Kulan si weyn loo soo Qorsheeyay, oo dhaqale loogu ururinayay Ceel-bacad Hospitaal, kaa oo dhawaan laga dhisay Dagmada Ceel-bacad ee G/ Sh/ Dhaxe Somaaliya , ayaa ka dhacay Magaalada Växjö ee Dalka Sweden, Taariikhu marka aay aheyd 2015-05-02.
Kulanka oo ahaa mid aad loo soo agaasimay, ayaa waxaa ka soo qeyb galay, dhamaan Jaaliyadda Kasoo jeeda Degmadaasi oo ku nool Qaradda Yurub, gaar ahaan Wadan,kaan Sweden, sida Siyaasiyiin Magac kuleh Somaliyeeda dhax deeda , oo ka soo jeeda Degaan,kani, Haween, Waxgarad, , Dhalinyaro iyo Bulshada qeybaheeda kala duwan.
Shaqsiyaadka Magaca ku dhax,leh Bulshada Somaalida, kuwaa oo ka soo qeyb,galay Shirka, ayaa waxaan ka xusi karnaa, Godoomiyihii hore Haweynka Qaranka Somaaliyeed Marwo Dr.Caasho Cumar Geestiir. Avv. Maxmed Macalin Xasan ( Marooko).
Qudbado kala duwan aay ka jeediyeen ka soo qeyb-galayashii kulanka kadib, waxaa Cod baahiyaha lagu soo dhaweeyay 2-dii Xubnood ee ka mid ahaa Gudidii u istaagay dhismahii Ceel-bacad Hospitaal, kuwaa oo Dalka Uk ka,yimid.
2-daas Xubin ayaa Warbixin dheer ka siiyay Jaaliyadda Sweden, Marxaladihii kala gadisnaa iyo Caqabadahii ee soomaray dhismaha Ceel-bacad Hospitaal, halka aay wax marayaan Iminka iyo Baahida taagan.
Warbixintaasi kadib waxeey Jaaliyaddii ka soo jeeda Degmada Ceel-bacad ee Gobolka Shabeelaha dhaxe ee halkaa isugu yimid ku Yabooheen lacag gaareysay ama Cadad,keedu tahay 100,000 US$ Dollar ah (Boqol kun Dollar Marekan ah).
Ugu danbeen Jaaliyadda ayaa isku baraa,rujisay in loo is taago waxqabada Dalka iyo Dadkaba si isbadal u dhaco. hadii aan Xusnana Dadkii ka hadlay halkaa waxaa ka mid ahaa>
1. Gd hore Haweenka Qaranka Somaliya Dr. Caasho Cumar Geesdiir.
2. Avv. Maxamed Macalin Xasan looyaqaan ( Marooko)
3. Nabadoon Xuseen Dubad
4. Nabadoon Cumar Saney Xirane
5. Dr Xasan Moxodiin Yabarow.
Gaba gabadii ayaa Go,aansatay in aay joogteyso Kulamada ama isku imaadka Sanadkiiba Mar, si,aay warbixin ukala qaadato, uagana warheyso halka aay ka soo jedaan.
W/D> Abdifataax Nur Hasan
Kulan Taakuleyn dhaqaale loogu uruurinayay Hospitaal dhawaan laga dhisay Degmada Ceel-bacad ee G/Sh Dhaxe (SAWIRO)
Kulan si weyn loo soo Qorsheeyay, oo dhaqale loogu ururinayay Ceel-bacad Hospitaal, kaa oo dhawaan laga dhisay Dagmada Ceel-bacad ee G/ Sh/ Dhaxe Somaaliya , ayaa ka dhacay Magaalada Växjö ee Dalka Sweden, Taariikhu marka aay aheyd 2015-05-