Duqa Magaalada Muqdisho oo Maanta Xafiiskiisa Ku soo dhaweeyey Duqa magaalada Baden ee dalka Switzerland. (Sawiro)

0
Friday May 30, 2014 - 16:17:29 in Wararka by Web Admin
  • Visits: 1911
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 13
  • 7 0
  • Share via Social Media

    Duqa Magaalada Muqdisho oo Maanta Xafiiskiisa Ku soo dhaweeyey Duqa magaalada Baden ee dalka Switzerland. (Sawiro)

    Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho oo Maanta Xafiiskiisa Ku soo dhaweeyey Duqa magaalada Baden ee dalka Switzerland.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho oo Maanta Xafiiskiisa Ku soo dhaweeyey Duqa magaalada Baden ee dalka Switzerland.

Gudoomiyaha Gobolka banaadir ahana Duqa magaalada Muqdisho Jeneral Xasan maxamed Xuseen Muungaab ayaa maanta xafiiskiisa Kusoo dhaweeyey Duqa magaaalada baden Dalka Swizerland kaas ay wehliyaan wafdi kale oo heer Caalami ah .

Laba mas,ul ayaa waxaa ay ka wada hadleen si ay labada magaalo iskaga Kaashan lahaaayen Dib dhiska Dalka iyo in ay hormar Ku tilaabsto Caasimada Soomaliya ee Muqdisho kaas lagu Dhaweeyey Xafiiska Cusub ee Duqa magaalada muqdisho ee Degmada hiliwaa.

Mr:Geri Muller oo ah duqa magaalda baden ee dalka Swaziland aya ka mahad celiyey si Xushmada leh ee Loogu soo dhaweeyey caasimada Soomaliya asaga oona cadeeyey in kaalin qiimo leh Ka qaadan doonaan dalka soomaliya wuxuuna sidoo kale cadeeyey in uu ku faraxsanyahay imaatinkiisa muqdisho oo ay tahay Markii ugu horeysay oo soomaliya Yimaado.

Shacabka ku dhaqan Degmooyinka gobolka banaadir ayaa soo dhaweeyey ayaga oona watay sawirada madaxda dalka iyo mas,ulka maanta martida u ah maamulka gobolka banaadir sidoo kalana waxaa heeso guubaabo iyo soo dhaweyn ah kusoo Bandhigay kooxaha Hobolada waabari,Shamsudiin Band iyo barbaarta gaashaaaman waxayna dhamaantood ka mideysnaayeeen in la soo Dhaweeyo madaxda martida u ah Mas,uliyiinta qaranka soomaliyeed



Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip