Wararka inaga soo gaaraaya Magaalada Muqdisho, ayaa sheegaaya in Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya, ay qaarkood diyaarinayaan mooshin ka dhan ah Ra'iisal Wasaaraha Soomaaliya.
Xildhibanada Baarlamaanka oo shirar gaar gaar ah uu kaga soconaayo hoteelada Magaalada Muqdisho, ayaa waxay xilligaan u muuqdaan inay ku dhegan yihiin Ra'iisal Wasaare C/weli Sheekh Axmed Maxamed.
Xildhibaan diiday in magaciisa Warbaahinta loo adeegsado, ayaa sheegay in Ra'iisal Wasaaraha Soomaaliya mooshin laga keeni karo goor dhow, haddii ay Xukuumadiisu jirsatay muddo 6 bilood ah, oo ah mudada ugu yar ee mooshinka looga keeni karo Xukuumada.
Xildhibaanku wuxuu ku andacooday in Ra'iisal Wasaaruhu uu ku fashilmay barnaamijyada Xukuumada, iyadoo uu xusay in Xukuumada ay dhaqaajin kari la'dahay Maamulada Gobolada, sidoo kalana ay dib u heshiisiin rasmi ah u samaynin beelaha Soomaalida, ee weli wada dagaalamaaya.
Mooshinka laga diyaarinaayo Ra'iisal Wasaare C/weli Sheekh Axmed, ayaa waxaa soo baxaaya in ay hogaanka u sidaan xubno ka mid ah, Xildhibaanadii 5-tii bishii hore ee May soo jeedisay in uu is casilo Madaxweynaha Somaliya.
Madaxtooyada Magaalada Muqdisho, ayaa waxaa si weyn looga hadalhayaa mooshinka laga diyaarinaayo Xukuumada uu hogaamiyo Ra'iisal Wasaare C/weli Sheekh Axmed Maxamed.
Tv-ga Universal
Shirar kadhan ah Ra'isul Wasaaraha oo Muqdisho kasocda
Wararka inaga soo gaaraaya Magaalada Muqdisho, ayaa sheegaaya in Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya, ay qaarkood diyaarinayaan mooshin ka dhan ah Ra'iisal Wasaaraha Soomaaliya.