Xulka marti gelinya koobka Aduunka ee Brazil ayaa kulanki ugu horreeyay ee lagu daah furay koobka Aduunka guulgaaray, kadib marki ay 3-1 kaga adkaadeen xulka Croatia. Ciyaarta ayaa ku bilaabatay dardar labada xul, waxaana xulka marti gelinaya koobka ee Brazil uu garoonka lasoo galay inuu maamulo kubadda, iyagoona xoogga saaraya dhinaca weerarka.
Marcelo ayaa noqonaya ciyaaryahanki labaad ee xulkiisa gool ka dhaliyo kulanka ugu horreeyo ee koobka Aduunka, iyadoo sidoo kale uu noqonayo ciyaaryahanki ugu horreeyay ee qaranka Brazil ee gool iska dhaliyo koobka Aduunka.
Intaas kadib cayaartoyda xulka Croatia ayaa iyagu dejiyay weerarki,kadib cadaadis xoog le oo uga imaanayay cayaartoyda Brazil, waxaana Brazil ay heshay fursad ay hogaanka ku qabato, marki loo dhigay Rigooro, iyadoo rigooradaasina uu gool u badalay weeraryahanka qarankaasi Brazil ee Neymar daqiiqadii 70-aad.
Ciyaarta ayaana kusoo idlaatay 3-1 oo ay guusha raacday xulka Qaranka Brazil, waxaana guusha uu xalay gaaray u sahlayaa inuu hogaanka u haayo Group-ka A. Mustafa Xasan Cali Calnka Sports Team |
FIFA WORLD CUP 2014: Xulka Brazil oo guul ku daah furay Koobka Aduunka (SAWIRRO)
Magaalada Sao Paulo ee Dalka Brazil ayaa waxaa caawa si rasmi ah uga furmay tartanka koobka Aduunka ee 2014, waxaana lagu daah furay xulalka Brazil iyo Croatia.