Gerrard: Cudur daar malahan guul-daro

0
Sunday June 15, 2014 - 11:10:07 in Sports by Web Admin
  • Visits: 2378
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gerrard: Cudur daar malahan guul-daro

    Kabtanka kooxda England Steven Gerrard ayaa sheegay inaan cudur daar loo hayn haddii maanta guuldaro ay kala kulmaan kullanka ay la ciyaarayaan kooxda Taliyaaniga.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kabtanka kooxda England Steven Gerrard ayaa sheegay inaan cudur daar loo hayn haddii maanta guuldaro ay kala kulmaan kullanka ay la ciyaarayaan kooxda Taliyaaniga.


Gerrard ayaa sheegay: "Iaydoo maalinbna maalinta ka dambeyso ay ciyaaraha ay sii socdaan waxaa sii kordheyso farxadeena iyo shucuurteena.

"Hadda anaga ayey na joogtaa. Dhammaan masaafada iyo dhirirka aad soo difaacanay si aan diyaar garow adag u sameyno, dhammaan waxaasi waan sameynay. Hadda cudur daar ma yeelan doonto."

Roy Hodgson, oo ah maamulaha kooxda England ayaa soo gebagebeeyay dhankiisa tababar uu sare ugu qaadaayay kooxdiisa si ay guul uga soo hoyaan kullan kooda ugu horeeyo ee koobka kubadda cagta dunida eek a socdo dalka Brazil.

Kooxda Hodgson oo ka mid ah 32 koox eek u tartamaya dalka Brazil, waxay ku jirtaa kooxda D, waxaana ka mid ah kooxaha ay wajihi doonaa Uruguay oo 19 ka bishan ay la ciyaari doonaan iyo Costa Rica oo shan maalin kadib ay la ciyaarayaan.

Qiyaastii, 7,000 oo taageerayaasha England ah ayaa la filayaa inay isugu tagaan garoonka Manaus maanta oo ay ciyaartooda ugu horeyso ay fooda gellin doonaan mid kamid ah kooxaha ugu adage e tartamada ka qeybgalaya, waana dalka Taliyaaniga.

Kulamada kale ee maanta waxaa kamid ah Colombia oo Faraha ay isula tagi doonaan Greece, Uruguay waxay madaxa gelineysaa Costa Rica. Ciyaarta ugu dambeyso ee maanta oo billaaban doonta saacadda mara ay tahay 1-da saqda dhexe, xilliga Bariga Afrika waxay u dhexeysaa England iyo Taliyaaniga.

BBC/Sport
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip