Maamulka Gobolka Banaadir "Qudaarta Muqdisho La Keeno Wax Ay Qeeyb Ka Tahay Amnidarada Dalka Ka Jirta"

0
Wednesday October 05, 2016 - 15:35:08 in Wararka by Xafiiska Muqdisho
  • Visits: 1642
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maamulka Gobolka Banaadir "Qudaarta Muqdisho La Keeno Wax Ay Qeeyb Ka Tahay Amnidarada Dalka Ka Jirta"

    Maamulka Gobolka Banaadir ayaa sheegay in amni darada ka jirta Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya ay qayb ka tahay Qudaarta lasoo galiyo Magalaada ee ka timaada Gobolada dalka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa sheegay in amni darada ka jirta Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya ay qayb ka tahay Qudaarta lasoo galiyo Magalaada ee ka timaada Gobolada dalka Soomaaliya.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Shiikh Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo maanta warbaahinta kula hadlay suuqa Ceel Garweyne ee degmada Holwadaag ayaa sheegay in Gawaarida sida qudaarta ee ka timaada Gobolada dalka Soomaaliya ee soo gasha Magaalada Muqdisho ay qeyb ka yihiin amni darada ka jirta Dalka.

"Waxaad la socotiin Arrimaha amniga baryahaan dambe waxaa soo badanayay in Gawaarida ka timaada Gobolada dalka ee qudaarta keenta Magalada Muqdisho in lagu soo dhex qariyo waxyaabaha qarxa, Hay’addaha amniga arintaas dhibaato ayay kala kulmeen”, ayuu yiri Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Shiikh Yuusf Xuseen Jimcaale.

Sidoo kale Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Shiikh Yuusf Xuseen Jimcaale ayaa sheegay in wixii ka dambeeya maanta in Gawaarida ka timaada Gobolada dalka Soomaaliya ee Qudaarta keenta Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya in ay si toos ah u tagayaan Suuqa Ceel-garweyne halkii ay xiligii hore ka tagi jireen Suuqa Bakaaraha.


Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip