Qeybtii hore ee ciyaarta, waxaa meesheedii kasii socday jawiga macaan ee koobka adduunka, inkastoo Ivory Cost ay ciyaarta kusoo gashay qaab xawaare iyo nidaam hadana kooxda reer Asia ayey usuurto gashay inay qabato hogaanka ciyaarta.
Keisuke Honda ayaa bidixdiisa si haqabtir leh udhameestir kadib baas uu kahelayNagatomo, kubad sameeyaha AC Milan ayaa laad xoog leh shabaqa geestiisa kageliyey isagoo baas uga yimid Nagatomo hore ulasii jiitay gudaha diilinta ganaaxa, sidaasna hogaanka ciyaarta ugu dhiibay xulkiisa daqiiqadii 16aad.
Japan ayaa weeraradeeda halkaas kasii wadatay qeybtii hore ee ciyaarta, goolhayeha Ivory Cost ayaa kubad cajiib aheyd kabadbaadiyey daafaca reer JapanAtsuto Uchida, daqiiqadihii danbe ee qeybtii hore ee ciyaarta laacibka khadka dhexe ee Manchester City Yaya Toure ayaa kubad uu laaday shabaqa ujirsatay seentimitiro.Ivory Costa ayaa dhamaadka qeybtii hore ciyaarta isku dayeysay inay soo gudo goolka lagu leeyahay, iyadoo weerarada kala rogtay, balse isku dayadaas ayaa fashil kusoo dhamaanayey mar walbo.
Qeybtii labaad ee ciyaarta, xulka maroodiyaasha ayaa meeshiisa kasii watay isku dayadiisa, isagoo ciyaarta kulabeeleeyay daqiiqadii 64aad madax qurux badan uu dhaliyey weeraryahanka Swansea City Wilfried Bony.
Labo daqiiqo kamasoo wareegan markii hadana markale ay Ivory Cost ka faaideesatay dardartooda, si ay natiijada urogaan, xiddiga naadiga RomaGervinho ayaa hogaan ciyaarta kusalimay maroodiyaasha daqiiqadii 66aad.
Japan ayaan wax falcelin ah sameenin si ay ciyaarta ugusoo noqoto, taas badalkeedana waxey Ivry Cost mar walbo isku dayeysay iney sii dheereesato hogaanka ciyaarta, iyagoo kafaaideesanaayo Japan oo ay kaluntay wajiga ciyaarta iyo xaaladooda jir ahaaneed oo hoos udhacday, kulanka ayaa kusoo idlaaday iyadoo Ivory Cost ayaa dhibcaha seddexda ah katirsatay Japan.
Ivory cost oo dhibcaha katirsatay Japan, kulan gool looga hormaray.
Xulka qaranka Ivory Cost ayaa guul kubilowday koobka adduunka isagoo kulankii ugu horeesay laciyaaray Japan, maroodiyaasha ayaa natiijo 1-0 kurogay Japan qeybtii labaad ee ciyaarta oo kadhacdayy garoonkaPernambuco Arena.