Weeraro kale oo dad ay ku dhinteen kuwana lagu afduuntay oo ka dhacay Mpeketoni

0
Tuesday June 17, 2014 - 19:19:39 in Wararka by Web Admin
  • Visits: 1542
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Weeraro kale oo dad ay ku dhinteen kuwana lagu afduuntay oo ka dhacay Mpeketoni

    Madaxweynaha Dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa cambaareeyay weerar markale lagu qaaday meel u dhaw magaalada Mpeketoni, halkaasi oo lagu dilay 15 qof halka la afduubta 15haween, waxaana uu weerarkaasi ku sheegay in ay ka dambeeyaan Shabakado siyaasadee

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa cambaareeyay weerar markale lagu qaaday meel u dhaw magaalada Mpeketoni, halkaasi oo lagu dilay 15 qof halka la afduubta 15haween, waxaana uu weerarkaasi ku sheegay in ay ka dambeeyaan Shabakado siyaasadeed oo gudaha Kenya ah


Mr Uhuru Kenyatta ayaa tilmaamay inay talaabo adag ka qaadi doonaan kooxaha argagixisada ah ee sida dhuumaaleysiga falalka dilka ah uga geysanaya deegaanada ku yaala dhanka xeebta.

Maleeshiyaad hubeysan oo lala xiriirinayo inay ka tirsanyihiin Al-Shabaab ayaa weeraray tuulada Poromoko oo ka tirsan Mpeketoni, iyadoo wararku ay sheegayaan in lala beegsaday guryo, Hoteelo iyo goobo ganacsi oo laga cunteeyo, kaddibna dab la qabadsiiyey gawaari.iyo dhismooyin kale.

Wasiirka arrimaha gudaha ee Kenya Joseph Ole Lenku ayaa sheegay in kooxaha weerarka geystay ay burburiyeen qalabkii ay ku shaqeyneysay xarunta shirkadda Isgaarsiinta Safaricom oo ka mid ah Shirkadaha Kenya u qaabilsan dhanka Isgaarsiinta ka hor inta aysan dadka gumaadin, taasi oo uu ku sheegay in ay tahay midda kaliya ee ay kooxaha weerarka qaaday ku badbaadeen.

Axaddii weerar kan la mid ah oo lagu qaaday Mpeketoni ayaa waxaa ku dhintay inta la xaqiijiyay 49 qof, halka la weysanyahay tiro intaa ka badan sida ay sheegtay hay’adda bisha cas ee Kenya.

Ilaa iyo iminka waxaa la ogeyn halka ay kooxa afduubayaasha ah ula dhaqaaqeen 15-ka haween ee ay xalay ka soo kaxeeysteen deegaanka hoostaga magaalada Mpeketoni.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip