Ra'iisal Wasaarihii hore oo ka degay Garoonka Aadan Cadde, ayaa si weyn loogu soo dhoweeyay, iyadoo soo dhoweyntiisu ay qayb ka ahaayeen xubno ka tirsan Dowladda iyo qaybaha bulshada ee dadka reer Muqdisho.
Nuur Xasan Xuseen oo Saxaafada kula hadlay Garoonka Aadan Cadde, ayaa waxa uu bidhaamiyay in imaanshiyihiisa Magaalada Muqdisho, ay ka dambeysay markii uu casuumaad ka helay Maamulka Gobolka Banaadir.
Nuur Xasan Xuseen, ayaa ku waramaaya in bisha barakeysan ee Ramadaan uu shacabka Somaliyeed kula Soomi doono Magaalada Muqdisho, si loogu muujiyo ammaanka nabadgelyada Magaalada Muqdisho.
Nuur Cadde, ayaa waxa uu shacabka reer Muqdisho ugu yeeray inay is cafiyaan bisha barakeysan ee Ramadaan, oo ay inaga xigto maalmo kooban oo kaliya.
Ra'iisal Wasaarihii Hore Nuur Cadde Oo Maanta Soo Gaaray Magaalada Muqdisho
Ra'iisal Wasaarihii hore ee Somaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde), ayaa wuxuu maanta uu booqasho uu ku yimid Magaalada Caasimada ah ee Muqdisho, oo si diiran loogu soo dhoweeyay.