Gabayga: Codkar tagay

0
Monday July 21, 2014 - 04:05:45 in Wararka by Web Admin
  • Visits: 1944
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gabayga: Codkar tagay

    Geeridu waa xaq, naf walbaana maalinteed ayey leedahay, mana dhaafto goorta loogu talagalay, oo waa la wada geeriyoonayaa. Waxaa tacsi u dirayaa hal abuurka iyo bahda qalinleyda Soomaaliyeed guud ahaan, gaar ahaan ehellada iyo qaraabada uu ka geeriyo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Geeridu waa xaq, naf walbaana maalinteed ayey leedahay, mana dhaafto goorta loogu talagalay, oo waa la wada geeriyoonayaa. Waxaa tacsi u dirayaa hal abuurka iyo bahda qalinleyda Soomaaliyeed guud ahaan, gaar ahaan ehellada iyo qaraabada uu ka geeriyooday Alle ha u naxariiste Cabdiqaadir Cusmaan Maxamuud "Aromo", Allaw naxariistaada iyi Jannaadaada ugu deeq. Aamiin.

Gabayga: Codkar tagay

Caynka gabayga, Geeraar cuddoon, Tixo calaameysan

Casharkii murtidu ay lahayd, Caarif lagu sheego

Guuroow cirkaa gaara iyo, Carafta Suugaanta

Carrabkiyo qalbiga laga curshoo, Ceebba laga dhawro

Bashiiroow adaa cugan jiroo, Caalim ku ahaaye

Adigaa Ciraabtiis yiqiin, Caynka iyo waawe

Bal aan curiyo maantoo kaluu, Ciil bax leeyahaye

Warka caadka laga soo dirayo, Maqalka ceeryoomey

Cadceedkii adduunyada ka tegay, Ciribta uu reebay

Cabdulqaadir baan doonayaa, Inaan caddeeyaaye

Oo aan Calaamado ku dhigo, Caynka uu yahaye

Cirkoow dhugo, Dhulkoow cuura oo Maqal Codkaan sheego.

Cabdulqaadir caan buu ahaa, caaqil dunidaane Caarad iyo ciryeer buu ahaa, foolhoraad culuse Codkar caalamiin buu ahaa, oo caafimaad dhiga'e Cilmi bixiye guud buu ahaa, iyo curiye suugaane Cabiriyo caynaanshuu ahaa, cirirka taariiiqe Caawiye dadweynuu ahaa, oo calool furane Soomaali cudurrada ku dhacay, ee sababay ciirciirka Intii calaf ku bixisiyo intii, cudud ku taageertay Cunsurtiyo cadaawihii colcolay, ee caddibay waayo Caada qaatayaashiyo kuwii, uu cawaansanayey Wixii ay cillado suubbiyeen, caabuq iyo yaabba Qoraa caarifaayuu ahaa, camalladoodiiye Cawarkiyo cayayaanka iyo, caandihiyo caaqa Ninba caynadduu yahay ayuu, noo caddeeyn jiraye Caqiidida Islaamkiyo sharcina, kama cilaalnayne Caalim culimmo diin buu ahaa, sida cadiinkaaye

Caynleeyna kuma koobi karo, caado sharafkiise Ha yeeshee inuu na cawinaan, cidina diideeyne.

Naf walibaa caweey leedihiyo, cishe la qaadaaye

Waqti loo cayimay baa jiroo, cidana dhaafeeyne

Qof kastana intuu cuni iyo intii uu cimriga joogi

Looxaa lagu calaamaday mar hore, hooyo oon curane

Mar haddiise Cabdulqaadir go'ay, oo ay ka carceertay

Bashiiroow codeyn duco ayaan, u curdinaayaaye

CASIISKII ILAAHAY ISAGU, haw cayimo qaayre

Haw cafiyo cinqaabiha dambiga, hana caddaan nursho

Canyayuub qabrigu kuma dhogo, iyo bayd ciriiriya'e

Cida Buun Qiyaamaha markii, cararaqdii yeerto

Oo ciidda laga soo baxee, ruux la soo celiyo

Banka ciiro maantaas naflaha, lagu camaajiiro

Oo cawra dedan aysan jirin, cidina eegeeynin

Oo cashiiro laga cararayiyo, curad carruurtaa ah

Cadceeddana dhakada la cuskiyee, meel dhow lagu caynsho

Ciriddiyo kulaykuna markaas, uu jirka camiimo

Cududdahana dhidid caariyee, camanka sii dhaafo

Qofba casharradiisii markii, loogu soo celiyo

Caawriirka maantaas cabsida, la isla ciirciiro

Carshigii ALLAAH kii harsada, caaqiloow noqo'e

Cadaabkiina ILAAH kuguma rido, iyo naar casaarada'e

Jannadii carfoonayd cagaha CAADIL kuu geliye

La cayaar caruus Xuuralcayn, midab casaanleeye.

Dhammaad

16/07/2014

Maxamed Xuseen Faarax
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip