Madaxweynaha Oo Maanta Hortagaya Baarlamaanka

0
Sunday February 07, 2016 - 12:30:50 in Wararka by Warsheekh Media
  • Visits: 1275
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Oo Maanta Hortagaya Baarlamaanka

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta lagu wadaa in uu ka qeyb galo kulanka baarlamaanka Soomaaliya ee ay ku yeelanayaan Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta lagu wadaa in uu ka qeyb galo kulanka baarlamaanka Soomaaliya ee ay ku yeelanayaan Muqdisho.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa baarlamaanka ka hor jeedin doono khudbad uu kaga hadlayo xaaladda siyaasadeed ee dalka, horumarka ay dowladda ka gaartay dhinacyada, siyaasadda, amniga, dib u heshiisiinta iyo dhameystirka nidaamka federaalka ah ee ay dowladda Federaalka ah qaatay.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa sheegay in kulanka baarlamaanka ee maanta uu Madaxweynaha Soomaaliya ka qeyb geli doono.

"Waxaan yeelan doonaan fadhi aan caadi ahayn oo uu Madaxweynaha hadal jeedin ka sameyn doono shirka Baarlamaanka, marka mudanayaal waa in aad waqti fiican timaadaan” ayuu yiri Guddoomiye Jawaari.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip