Qaabkii looga ciidey Magaalada Zurich ee dalka Switzerland.‏ (Sawiro)

0
Wednesday July 30, 2014 - 13:59:12 in Wararka by Web Admin
  • Visits: 3035
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 3 0
  • Share via Social Media

    Qaabkii looga ciidey Magaalada Zurich ee dalka Switzerland.‏ (Sawiro)

    Waxaa si weyn looga ciidey guud ahaan, Dhulalka muslimiinta sidoo kale Dhulalka dadyowga muslimiinta ahi joogaan, Adduunka oodhan, Haddaba dalka Switzerland Gaar ahaan Magaallada Zurich ayaa si weyn looga ciidey,Bulshada Muslimiinta ah ee ku dhaqan d

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa si weyn looga ciidey guud ahaan, Dhulalka muslimiinta sidoo kale Dhulalka dadyowga muslimiinta ahi joogaan, Adduunka oodhan, Haddaba dalka Switzerland Gaar ahaan Magaallada Zurich ayaa si weyn looga ciidey,Bulshada Muslimiinta ah ee ku dhaqan dalkaas, gaar ahaan kuwa Soomaalida ah ayaa dareen farxadeed oo wanaagsan ku ciidey, Qoysaska Soomaaliyeed ayaa isugu yimid badankoodu, Masaajidka Alraxman ee Magaallada Zurich.

Masaajidkan ayaa ah goob si weyn uga qayb qaatey kulminta iyo kaalmeynta umadda Soomaaliyeed, Dal iyo dibadba, Masaajidka oo bishii ramadaan, ay ka socdeen Dacwada islaamiga ah muxaadaraad iyo Kutuba, ayaa haddana sidoo kale waxaa lagu bixin jirey Afurinta dadka Sooman, waxaa sidoo kale laga taageeraa, dadka Soomaaliyeed ee waddanka ku tabaalaysan, Ka hor masaajidkan, Jaalliyada Zurich waxay ahaayeen kuwo aan lahayn meel ay ubadkoodu wax ku bartaan ama dhallinyaradu ka barato qawaacida diinta islaamka ah.

Isku soo wada duub ee markaad aragto Bulsho Soomaaliyeed oo isku duuban oo si wadajira u ciideysa, Ciroole iyo Carruurba waxaa ku gelaysa, Yididiilo farxadeed iyo Boholyoow dalkaagii kuugu dhaca.

Masaajidka ayaa waxaa lagu qaybinayey, maalinimada Carruurta Soomaaliyeed si loo baro, Muhiimada iyo weynida maalintan, Cuntooyin macmacaan leh iyo cabitaanno uu masaajidku ugu talogalay ubadka Soomaaliyeed.


Sida aad kor ka aragto, dad tiradoodu kor u dhaafayso 500 oo qof ayaa maalintaa isugu yimid oo rag iyo dumarba leh. waxaana si weyn loo muujiyey dareenka farxadeed ee maalinta ciida.

Waxaa hawshan had iyo gooraale isku dubarida, Gudiga iyo Culumada gacanta ku haysa Masaajidka

Maxamed Cali Xaaji
Macalin Siidoow Bashiir
Shiikh Axmed Saalim
Xasan Maxamed Cumar
iyo Immaam Aweys Maxamed Ammiin.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip