Ogeysiis Siyaaaradii Sh Aadan Dheere oo ka dhacaysa London‏

0
Thursday September 04, 2014 - 22:26:30 in Wararka by Web Admin
  • Visits: 2798
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ogeysiis Siyaaaradii Sh Aadan Dheere oo ka dhacaysa London‏

    Waxaa loogu bishaareenayaa dhamaan soomaalida ku nool magaalada London UK iyo nawaaxigeeda in laqabanayo Siyaartii Waligii weynaa ee Sh Aadan Sh Cumar ( Sh Aadan Dheere) taasoo lagu qabanayo magaalada London.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa loogu bishaareenayaa dhamaan soomaalida ku nool magaalada London UK iyo nawaaxigeeda in laqabanayo Siyaartii Waligii weynaa ee Sh Aadan Sh Cumar ( Sh Aadan Dheere) taasoo lagu qabanayo magaalada London.
Siyaartaan oo ah mid sanad walba laqabto isla markaasna culimo farabadan ay isugu yimaadaan ayaa waxaa lagu aqriyaa quraan iyo adkaar loogu duceenayo waliga illahay ee Sh Aadan Sh Cumar. sidoo kale waxaa laga soojeediyaa goobtaas wacdi lagu baraarujinayo soomaalida meeshaaas isugu timaada isla markaasna faatixada loogu maraa dadka xanuunsan ama muraadka leh.

Waxaa meesha aan ka maqnayn cunto free ah taasoo looga bartay dariiqada Ahlusunna Waljamaaca waxaana sadaqadaas baxsada umada soomaaliyeed, sidookale waxaan meesha ka maqnayn Nashiidooyin/qasaaid.

Address: 242 Frencis Road
Leyton, London. E10 6NJ

Maalinta Khamiista 6pm to 11pm
Taariikhda 11/09/2014

Wixii Faahfaahin ah waxaad kala soo xariirtaa mobiles hoos ku qoran.

Sh Daahir Cabdi (Laaweey) 07792906565
Sh. Maxamed Sh Cabdulaahi 07985465275
Sh Cali Sh Maxamed ( Loobogay) 07508475875
Macalin Maxamuud Cabdiraxmaan 07538719092
Sh Xassan Aadan Ciye 07960159960

Hadaba waxaa inoo balan ah in aad nagala soo qeyb gashid Siyaartaas waxaana loogu duceyn doonaa ka soo qeyb galayaasha. Mahadsanid

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip