Maxaadan ogeyn oo maanta ka jira Garoonka Diyaaradaha Muqdisho

0
Wednesday October 03, 2018 - 15:27:28 in Wararka by Warsheekh Muqdisho
  • Visits: 1361
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaadan ogeyn oo maanta ka jira Garoonka Diyaaradaha Muqdisho

    Shaqaalaha Soomaalida ah ee ka shaqeeya qaybta kala hagista diyaaradaha (Marshaalka) ee Garoonka Diyaaradaha Muqdisho ee Aadan Cadde ayaa maanta sheegay in shaqadii gabi ahaanba ay joojiyeen.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shaqaalaha Soomaalida ah ee ka shaqeeya qaybta kala hagista diyaaradaha (Marshaalka) ee Garoonka Diyaaradaha Muqdisho ee Aadan Cadde ayaa maanta sheegay in shaqadii gabi ahaanba ay joojiyeen.

Sababta Shaqada ay u joojiyeen, ayaa lagu sheegay inay tahay, kadib markii ay ka caroodeen sida ay sheegeen qaab dulmi ah oo Shaqadii looga eryay Farxaan Black oo ah madaxa qaybta Marshaalka ama kala hagista Diyaaradaha, xilliga ay soo dagaan, waxaana Shaqada ka eryay Saraakiisha Shirkadda Favori ee Garoonka Diyaaradaha Muqdisho maamusha.

Qof kamid ah Shaqaalaha Garoonka Diyaaradaha Muqdisho ee Aadan Cadde oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay "Farxaan Black waxa uu ahaa nin wanaagsan,isla markaana Shaqaalaha xiriir fiicana la leh,taasi oo keentay markii shaqadiisa la joojiyay in Shaqaalaha oo dhan go’aan ay wada qaateen, sidaasina ay ku joojiyeen Shaqada”ayuu yiri Mid kamid ahaa Shaqaalaha Garoonka Muqdisho.




Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip