Waxaa sii kordhaya walaaca laga qabo in Baasaboorka Soomaaliga ah ay isticmaalaan dad u dhashay dalal shisheeye, kaddib markii safaaradda Soomaaliya ee Turkiga lagu eedeeyay inay diplomaasi u dhashay dalka Turkiga siisay Baasaboorka Diplomaasiga ah, kaasi oo ka ganacsada daroogada.
Waxaa sii kordhaya walaaca laga qabo in Baasaboorka Soomaaliga ah ay isticmaalaan dad u dhashay dalal shisheeye, kaddib markii safaaradda Soomaaliya ee Turkiga lagu eedeeyay inay diplomaasi u dhashay dalka Turkiga siisay Baasaboorka Diplomaasiga ah, kaasi oo ka ganacsada daroogada.
Xildhibaan Prof. Maxamed Cumar Dalxa oo ah K/Xigeenka guddiga arrimaha dibadda u qaabilsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si kulul uga hadlay arrimaha la xariira Baasaboorka Soomaaliga inay isticmaalaan dad u dhashay dalalka shisheeyaha.
Waxa uu sheegay Xildhibaan Dalxa in horay dhowr goor ay warbaahinta uga sheegeen xakameynta Baasaboorka Soomaaliga ah oo gacanta u gelaya dad aan Soomaali ahayn, wuxuuna tilmaamay in arrintaasi haddii ay sii socoto ay keeni karto in wadamada caalamka ay kalsoonida kala noqdaan Baasaboorka Soomaaliga ah.
"Waa la xakameyn la’yahay basaboorka Soomaaliga ah, xitaa dad ajnabi ah ayaa qaata" ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo si cad u sheegay in Dowladda Federaalka aanay waxba ka qaban karin in muwaadiniinta Soomaaliyeed oo kaliya lagu koobo qaadashada Baasaboorka Qarankooda isla markaana aanu gacanta u gelin shisheeyaha.
Xildhibaan Dalxa ayaa sheegay in Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ay ku guul darreysatay inay ilaaliso Baasaboorka Soomaaliga ah, wuxuuna sheegay inay jiraan Baasaboorka Diplomaasiga ah inay heystaan shaqsiyaad u dhashay dalalka shisheeye, kuwaasi oo qaarkood aan la ogeyn qaabka ay u isticmaalaan.
Hadalka Prof. Maxamed Cumar Dalxa ayaa ku soo beegmaya xilli dhowaan Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya sheegtay inay wax ka qabaneyso faafitaanka Baasaboorka Diplomaasiga ah, iyadoo ay weli soo baxayaan cabashooyin kale oo loo jeedinayo Wasaaradda arrimaha dibadda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo safaaradaha ay caalamka ku leedahay.
Xildh. Dalxa: "Baasaboorka Soomaaliga ah waxaa qaata dadka ajnabiga ah, Dowladana ma xakameyn karto"
Waxaa sii kordhaya walaaca laga qabo in Baasaboorka Soomaaliga ah ay isticmaalaan dad u dhashay dalal shisheeye, kaddib markii safaaradda Soomaaliya ee Turkiga lagu eedeeyay inay diplomaasi u dhashay dalka Turkiga siisay Baasaboorka Diplomaasiga ah,