Banaan bax lagu taageerayay howl galka Badweynta Hindiya oo ka dhacay Muqdisho (Editer, Mohamed Ismail Mohamed)

0
Tuesday September 16, 2014 - 16:15:59 in Wararka by
  • Visits: 1184
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Banaan bax lagu taageerayay howl galka Badweynta Hindiya oo ka dhacay Muqdisho (Editer, Mohamed Ismail Mohamed)

    Banaan bax uu soo qaban qaabiyay Maamulka Gobolka Banaadir ayaa maanta ka dhacay magaalada Muqdisho, kaasoo lagu taageerayay howl galka Badweynta Hindiya ee ciidamada dowladda iyo Amisom ay dalka uga saarayaan Al-Shabaab.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Banaan bax uu soo qaban qaabiyay Maamulka Gobolka Banaadir ayaa maanta ka dhacay magaalada Muqdisho, kaasoo lagu taageerayay howl galka Badweynta Hindiya ee ciidamada dowladda iyo Amisom ay dalka uga saarayaan Al-Shabaab.
Banaan bax uu soo qaban qaabiyay Maamulka Gobolka Banaadir ayaa maanta ka dhacay magaalada Muqdisho, kaasoo lagu taageerayay howl galka Badweynta Hindiya ee ciidamada dowladda iyo Amisom ay dalka uga saarayaan Al-Shabaab.

Dadweynihii isugu soo baxay banaan baxan oo ka kala yimid 17-ka degmo ee Gobolka Banaadir ayaa isugu soo uruuray fagaaraha Daljirka Dahsoon ee degmada Boondheere, halkaasoo mas'uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir kula hadleen.

Shacabkii dibad baxa isugu soo baxay ayaa watay boorar ay ku qornaayeen halku dhigyo kala duwan oo ka dhan ah Al-Shabaab, kuna taageerayaan ciidanka dowladda, waxaana banaan baxan ka qeyb qaadatay Hey'adda CCD.

Gudoomiyaha degmada Boondheere Qaasim Xasan Cabdulle ayaa sheegay inay taageersan yihiin howl galkaas ayna soo dhoweynayaan guulaha ay ciidamada qalabka sida ka soo hoyeen, lana wareegeen deegaano muhiim ah.

Canab Xasan Cilmi Gudoomiye kuxigeenka Ururka Haweenka Qaranka ayaa sheegay in ciidamada dowladda ay yihiin geesiyaal u huray dhiigooda, sidii dalka looga difaaci lahaa cadawga, ayna haweenka Soomaaliyeed ku taageerayaan.

"Maanta waxaa taaganahay daljirka Dahsoon, cadawga waa jabay, ciidamada sooma jeestayaasha waxaa leenahay ha guuleysteen, waxaan diyaar u nahay hadii aan haweenka Soomaaliyeed nahay inaan ciidanka meesha uu joogo uga daba tagno oo aan caanaha iyo biyaha ka daba qaadno"ayay tiri Canab Xasan Cilmi.

Gudoomiyaha Ururka Haweenka Gobolka Banaadir Jawaahir Baarqad ayaa sheegay in howl galka badweynta Hindiya uu ujeedkiisa yahay sidii dalka oo dhan looga saari Al-Shabaab, ayna soo dhoweynayaan guulaha ay soo hoyeen.

"Waxaa ugu baaqeynaa ciidamada qalabka sida inay sii wadaan howl galka lagu ciribtirayo al-Shabaab, anagana hadaan nahay haweenkii gobolka banaadir waa taageereynaa"ayay tiri Jawaahir Baarqab oo ugu baaqday maamulada gobolada dalka inay taageeraan howl galkaas.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir Cali Maxamuud Faarax (Cali Seeko) ayaa sheegay in banaan baxan ay maamulka gobolka Banaadir la soo abaabushay Hey'adda CCD, waxaana uu tibaaxay in Gobolka Banaadir ku taageerayo howl galada badweynta Hindiya ee Al-Shabaab dalka looga sifeynayo.

"banaan baxan waxaa maamulka gobolka banaadir ku taageerayo waa howl galada badweynta Hindiya ee lagu sifeynayo haraadiga Al-Shabaab iyo nabad diidka, waxaa ugu hambalyeynaynaa guulaha ay gaareen, maanta caasimadii waa soo hagaageysaa, amni ahaan iyo dhaqaale ahaan, inta kale sidaas ayaa rajeyneynaa"ayuu yiri Cali Seeko.

Ugu dambeyn Cali Seeko ayaa sheegay in maamulada gobolada dalka inay ka qeyb qaataan howl galada, ciidamadana ay la shaqeeyaan, waxaana uu xusay inay socdaan dhismaha maamulada gobolada, ayna garab istaagaan ciidamada qalabka sida.


By: Mohamed Ismail Mohamed
E-Mail: mohism47@gmail.com
Editer: Warsheekh.com

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip